Nin Australia u dhashay oo lagu eedeeyay inuu baaldoosar dad ku dili rabay

Baaldoosar Lahaanshaha sawirka ABC/DAVID MARCHESE
Image caption Baaldoosarka ayaa burburiyay gawaarida iyo guryaha

Nin u dhashay dalka Australia oo u adeegsaday gaari baaldoosar ah oo la xaday burburinta afar gaari, doon iyo guri ayaa khatar-gelin nafeed lagu eedeeyay.

Jamie Francis Sager, oo 50 sano jir ah, ayaa qirtay arrintan oo ka dhacday magalada Teralba sanadkii 2015, balse wuxuu dafiray inuu isku dayay waxyeelleynta qoyska gudaha ku jiray.

Saddexda qof ayaa ka baxsaday falkan oo dacwad-oogayaashu ay ku tilmaameen inuu ahaa aargoosi.

Garsoorka ayaa gebi ahaanba diiday sheegashada Sager ee ah inuusan ogeyn in xilligaasi uu qof gudaha ku jiray.

Lahaanshaha sawirka ABC/DAVID MARCHESE
Image caption Qoyska ayay u suurto gashay inay baxsadaan kahor inta aan guriga dhulka la dhigin

Maxkamadda ayaa dhegeysatay in Sager uu xiriir indhaha ah la sameeyay qof guriga ku jiray kahor inta uusan gudaha la gelin gaariga.

Sager ayaa xilli mugdi ah ka xaday baaldoosarka goob macdan subixii uu weerarku dhacayay.

Wuxuu ugu horreyn baaldoosraka jiirsiiyay gawaarida doonta, isgaoo burbur xooggan u geystay, kahor inta uusan aadin dhanka guriga.

Ninkan ayay garsoorku ku xukumeen ugu badnaan 15 sano oo xabsi ah, waxaana lagu wadaa in la xiro bisha October.