Dadka Angola oo dooranaya madaxweyne cusub

Angola

Jose Eduardo dos Santos ayaa hayay xilka madaxtinnimada ee dalka qaniga ku ah shidaalka tan iyo sanadkii 1979, isagoo noqday madaxweynihii labaad ee ugu muddada dheeraa caalamka.

Ma tartamayo doorashadan - wasiirka gaashaan-dhigga dalkaasi Joao Lourenco ayaa u sharraxan xisbiga talada haya ee MPLA.

Ninka ugu cadcad dadka la tartamaya ayaa la filayaa inuu noqdo Isias Samakuva, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ku ahaa MPLA 27-kii sano ee dagaalka sokeeye uu socday ee Unita.

Hannaanka codeynta ee Angola, dadka ayaa isku mar dooranaya musharraxa iyo xisbigaba.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in MPLA, oo talada hayay tan iyo intii dalkaasi uu xornimada ka qaatay dalka Portugal sanadkii 1975, loo badinayo inuu guuleysto.

Doorashadii hore, xisbiga Casa-CE alliance ayaa noqday xisbiga saddexaad ee ku guuleystay kuraasta ugu badan. Waxaa xisbigaasi madax u ah Abel Chivukuvuku, oo ka goostay xisbiga Unita.

Cod-bixiyeyaasha ayaa saakay saf u galay goobaha cod-bixinta ee caasimadda Angola ee Luanda.

Duqeyda ayaa marka hore loo oggolaaday inay go`aansadaan cidda beddeli doonta madaxweyne Jose Eduardo dos Santos.

Xaaladda degmada ganacsiga ku xeel dheer ee ku taalla magaalada caasimadda ah ayaa deggan, dadka ayaana fasax ku jira maanta.

Xisbiga mucaaradka Unita ayaa ku guuleystay 18% codadka doorashadii ugu dambeysay. Falanqeeyeyaasha ayaa si dhow ula socon doona haddii mucaaradku ay markan guulo ka gaaraan doorashada.

Mucaaradka alliance Casa-CE ayaa sheegaya in ilaa 20 ka tirsan kor-joogayaashooda doorashada lagu xiray xalay magaalada Luanda xilli ay dibad-baxayeen.

Waxay dalbanayeen in loo oggolaado inay kor-joogaan cod-bixinta, taas oo laga diiday.

Dowladda ayaa mamnuucday ololaha inta lagu guda jiro ololaha, balse maalintii ugu dambeysay ee ololaha ayaa ahayd Isniintii.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dhalinyarada ayaa sheegaya in shaqo-abuur ay tahay muhiimaddooda koowaad

Weriyaha BBC-da Mayeni Jones oo ku sugan caasimadda Luanda ayaa sheegaya in dhalinyaradu ay niyadda ku hayaan arrimo dhowr ah iyagoo u dareeray goobaha cod-bixinta.

Arrinta diiradda la saarayay ayaa hore u ahayd xasiloonida, kaddib dagaalkii sokeeye ee soo afjarmay sanadkii 2002.

Balse dhalinyarada ayaa BBC-da u sheegay inay keliya hal shey maskaxda ku hayaa, kaas oo ah shaqo, waxayna xasaradaha dalkaasi ka jira u aaneeyeen shaqo la`aanta.

Cambaareyn loo jeediyay dowladda ayaa ah in musuqmaasuq uu hareeyay dalkaasi iyadoo dakhliga ka soo gala shidaalka uusan soo dhaafin kooxda xukunka haysa.

Kaddib dagaalkii sokeeye, Angola waxay ka mid ahayd waddamada ugu koboca badan dhanka dhaqaalaha sababtuna waxay tahay shidaalkeeda.

Markii qiimaha shidaalka uu hoos u dhacay labo snao kahor, waxay saameyn ku yeelatay guud ahaan dhaqaalaha dalkaasi.