Magaalo ku taalla Canada oo diidday in goob ay dadku ku nastaan laga fujiyo calaamadda Naasiyiinta

Canada Lahaanshaha sawirka ERASE THE HATE

Magaalo ku taalla dalka Canada ayaa diidday in calaamad ku dheggan goob ay dadku ku nastaan laga saaro, iyadoo sheegtay inay taariikh ahaan muhiim tahay.

Calaamadaha Nazi ayaa lagu qurxiyay tabeello ku suran magaalada Pointe-des-Cascades, ee gobolka Quebec.

Corey Fleischer, oo ku wareega magaalada Montreal isagoo fujinaya tabeellooyinka lagu xardhay calaamado ama erayo nacayb muujinaya, ayaa isku dayay inuu rinji dul mariyo calaamadda.

Balse duqa magaalada ayaa ka celiyay oo goobta ka saaray, iyagoo sheegaya in tabeelluhu uu yahay mid taariikhi ah.

Lahaanshaha sawirka ERASE THE HATE

Tabeellahan ayaa waxaa ku dheggan caalamadda Naasiyiinta, waxaana la sheegay in laga adeegsaday Yurub dhammaadkii dagaalka, gaar ahaan in doon ganacsi oo ay ku xardhan tahay la helay sanadkii 1980.

Balse warbixin lagu daabacay barta Internet-ka ee magaalada, ayaa lagu sheegay in tabeellaha ay lahayd doon ganacsi xilligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka ayna heleen darawallada deegaanka 25 sano kahor.

Xaafadda ay ku taallo goobta ay dadku ku nastaan ayaa waxaa ku nool ilaa 1,500 oo qof waxayna ku taallaa meel ilaa 50 meyl u jirta (80km) Montreal.

Calaamaddan ayaa la sheegay in sanadkii 1920 ay ahayd calaamad u taagan nabadda.

Waxaana adeegsada diimo badan oo dunida laga aaminsan yahay, ayna ka mid yihiin Hinduism iyo Buddhism.