Labo cirroole oo isku calmaday Mandheera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Labo cirroole oo isku calmaday Mandheera

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto si weyn la isula dhexmarayay sawirrada lamaane ku aqal galay magaalada Mandera.

Waa 80 jir magaaladaas laga yaqaan oo calmaday haweeney 60 jir ah, oo waxa uuba ku doodayaa in dadka isku da'da ah inay isguursadaan ay ka wanaagsan tahay in la isku camcamiyo kuwo aan isqaadi karin.

Haddaba ninkaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Ibraahim Roobow oo ku magac dheer Cabdullaahi Y Y ayaa khadka taleefanka ugu warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare.