Juxa oo ka hadlay sababta uu ruqsad la'aan BBC ula hadlay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Juxa oo ka hadlay sababta uu ruqsad la'aan BBC ula hadlay

Dawladda Soomaaliya waxay dhawaan soo rogtay amar ku socday wasiirrada oo la xiriira in aysan baraha bulshada u adeegsan inay ku faafiyaan wararka la xiriira shaqada dawladda fasax la'aan.

Waxaa kale oo la faray wasiirrada in fasax la'aan aysan warbaahinta la hadlin.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo BBC la hadlay ayaa sheegay inuu u madax banaan yahay oo uusan ruqsad u raadsanayn wixii shaqada la xiriira, oo uu kala yaqaanno waxa uu rursad u raadsanayo iyo waxa kale.