Hay'ad ka dayrisay xaaladda goobaha ay malayshiyadu qabsadeen ee DRC

sawir hore Lahaanshaha sawirka .
Image caption Sawir hore

Hay'ad gargaar oo caalami ah ayaa sheegtay in aysan hawlgallo ka fulin karin labo goobood oo ka tirsan jamhuuriyadda bartamaha Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo CAR.

Waxay ku sababaysay in malayshiyo ay la wareegeen labadaas goobood.

Hay'adda Mercy Corps waxay sheegtay in soddon kun oo ruux oo ku sugan Niem iyo Yelewa aysan haysanin wax gargaar ah.

Hal tuulo oo kali ah 130 carruur ah oo agoon ama rajo ah ayay qoysaska deegaanku quudinayaan.

Ku dhawaad labo boqol oo hay'ado gargaarka ka shaqeeya ah ayaa lagu weeraray dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Ku dhawaad kala bar bulshada dadkaasi waxay noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka banii'aaddannimo.

In kabadan hal milyan oo ruux ayaa ku barakacay dagaallada oo billawday sannadkii 2012kii.