Faa'idada caafimaadka ee kala fogeynta dhulmada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faa'idada caafimaadka ee kala fogeynta dhalmada

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Hargeysa wacyigelin ku saabsan faa'iidada caafimaad ee kala dheereynta dhalmada ugu jirta hooyada iyo ilmahaba.

Wacyigelintan ayaa waxaa samaynaysay Dr Naciima Cabdiraxmaan Buubaal oo iyadu ah dhakhtarad ku takhasustay dhalmada, daaweynta iyo qalliinka haweenka.

Dr Naciima, waxa ay uga digtay dumarka in iyadoon baaritaan caafimaad lagu sameyn oo aanay la tashan dhakhaatiirta ay iska qaataan kiniinka amaba irbadda kala dheereysa dhalmada carruurta, halka dhanka kale ay tilmaantay qalabka ugu haboon ee kala dheereynta dhalmada.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayay wacyigelinta ay wadday uga warantay Dr Naciima Cabdiraxmaan Buubaal

Mowduucyada la xiriira