Warshad kiimiko oo ku qaraxday magaalada Houston

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Waraysi: Daadadka qaaday magaalada Houston

Kiimiko ayaa ka soo bexeyso warshadda ay waxyeelada u geysteen daadadka ku dhuftay magaalada Houston, sida ay sheegayaan xubno ka mid ah maamulka deegaanka.

Xilli hore, qiiq madow ayaa ka soo baxay warshadda kiimikada ee Arkema.

Askeri ku sugnaa goobta ayaa cisbitaal loo qaaday ka dib markii naqaska uu ku dhegay, sagaal qof oo kale ayaa cisbitaalka u raadsaday daawo ka dib markii ay iska shakiyeen.

Shirkadda Arkema waxay sheegtay in kiimikada warshadda taallo "aysan ahayn sun".

Taliyaha ciidamada Harris County, Ed Gonzales, ayaa sheegay in la aaminsan yahay in kiimikada soo daadatay aysan ka dhalan qaraxa, inkastoo warar hore ay sheegayaan in warshadda ay qaraxday.

Dadka ku nool hareeraha warshadda ee u jira ilaa 2.4km, ayaa guryahooda laga saaray ka dib markii maamulka warshadda ay sheegeen in qarax halis ah uu dhici karo.

Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhimatay duufaanta iyo roobabkii ka da'ayay magaalada Houston ee gobolka Taxes.

Laanta korontada Mareykanka ayaa sidoo kale dhaawac uu gaaray, shirkadaha shidaalkana waxay xireen dhuumaha.

Laanta saadaasha hawada ee Mareykanka ayaa hoos u dhigtay saameynta ay dabeyshu yeelankarto taa oo markii dambe isu badashay xaalad xun.

Waxaa la filayay in roob culus uu ka da'o bariga gobolka Taxes iyo Galbeedka gobolka Louisiana.

Maxaa ku dhacay warshadda kiimikada?

Shirkadda Arkema ayaa shaqada joojisay Jimcihii, ka hor inta aysan duufaantu billaaban.

Laakiin biyaha faraha badan ee ku fatahay nawaaxiga warshadda ayaa jaray korontada, sida lagu qoray war ka soo baxay Shirkadda. Sidoo kale kaabayaasha korontada iyo matoorada loogu talagalay in la adeegsado marka korontada guud maqan tahay ayay biyo galeen.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wadada weyn ee aada dhanka warshadda ayaa wobi isu badashay

Shirkadda waxay sameysaa walxo ka kooban kiimikada peroxides, waxaana ay noqon karaan halis haddii ay kululaadaan.

Agaasimaha guud ee Shirkadda Richard Rowe ayaa Reuters u sheegay "dabka wuxuu noqon doonaa holac aad u weyn".

wuxuu sheegay in qiiqa madow ee ka soo baxa uu sababayo in jirka iyo indhaha cuncunaan, wuxuuna dhib u geysan karaa sambabada.

"Biyaha heerkoodu sareeyo ee meesha yaalla, iyo koronto la'aanta ayaa naga dhigayo in aynaan haysan fursad aan dhibka uga hortagno, ayuu yiri madaxa shirkadda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan