Baadari badbaadinayo Muslimiinta qaxootiga ee CAR

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciidamada UN ee nabad ilaalinta ayaa ku sugan Bangassou

Baadari ka tirsan kaniisadda Catholic-ga ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) ayaa gabaad siiyay laba kun (2,000) oo qaxooti Muslimiin ah oo ka soo cararay koox hubaysan oo karistaan ah. Juan José Aguirre Munoz wuxuu sheegay in qaxootiga aysan ka bixi karin dhismaha ay ku jiraan oo ku yaalla magaalada Bangassou ee Koonfur-Bariga CAR.

Wuxuu BBC-da u sheegay in Muslimiinta ay halis ugu jiraan in ay dilaan maleeshiyada Masiixiyiinta ah ee anti-Balaka.

Madaxa arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa ka digayo in xasuuq uu ka dhaco dalkaasi.

Stephen O'Brien wuxuu sheegay in qalalaasaha uu sare usii kacayo, xaaladdana ay aad u sii xumaaneyso.

"Dagaalka wuu sii xoogeysanaayaa, wuxuu sababayaa in burburkii uu soo noqdo, afar sano ka dib markii ciidamo nabad ilaalin ah kala dhex galeen."

Wuxuu intaa ku daray: "Calaamado hordhac u ah xasuuq ayaa dalkaasi ka taagan. Waa inaan hadda ka hortagnaa."

CAR waxaa ka socdo dagaal caqiido ku saleysan tan iyo 2013-kii, markii koox Muslimiin ah oo lagu magacaabo Seleka ay awoodda dalkaasi qabsadeen.

Waxaa kooxdaas lagu eedeeyay in ay dileen dadka aan Muslimiinta ahayn.

Koox lagu magacaabo anti-Balaka ayaa ka dib la sameeyay, waxaana lagu eedeeyay xadgudub ka dhan ah aadanaha.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan