Kala qeybsanaanta qowmiyadaha Kenya doorashada ka dib

Kala qeybsanaanta qowmiyadaha Kenya doorashada ka dib

Maxkamadda Saree Kenya ayaa maanta go'aan ka soo saaraysa dacwadii isbahaysiga mucaaradku u gudbiyey ee ay todobaadkii la soo dhaafay dhegaysanaysay ee ay mucaaradku ku doodayeen in doorashada Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay sharciga baalmarsanayd, waxaanay doodda mucaaradku sheegtay in natiijadii doorashadii dhacday horraantii bishii August ay ahayd mid musuq ah.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada waxa sii xoogaysanaysay kala qeybsanaanta ka jirta dalka, taas oo keentay in dad aan tiro badnayni billaabeen olole internetka ka socda oo lagu doonayo in Kenya lagu kal qaybiyo.

Faadumo Macallin Abuukar ayaa warbxixintan ka diyaarisay kala qaybsanaanta sii kordhaysa ee dadka reer Kenya.