Mucaaradka iyo dowladda Kenya oo qoorta iskula jira

Mucaaradka iyo dowladda Kenya oo qoorta iskula jira

Guddiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xudduudaha Kenya (IEBC) ayaa toddoba xubnood u magacaabay maamulka doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah ee loo asteeyay inay qabsoonto 17ka bisha soo socota, hase yeeshee isbahaysiga mucaaradka NASA ayaa ka biyo diiday iyagoo hore ugu hanjabay inaysan ka qayb gali doonin doorashada ilaa is beddel dhab ah loo sameeyo si dastuuri ah.

Prof. Abdirzak Carraale Nuunow waa bare Jaamacadeed oo oo falanqeeya arrimaha Bariga Afrika, waxaan ka wareysanay xaaladda dalka Kenya, waxaanan ugu horreyn weydiiyay waxa laga filan karo hardanka u dhaxeeya mucaaradka iyo dowladda.