Tirada dhimashada dhulgariir ku dhuftay Mexico oo sii korodhay

Madaxwayne Enrique Peña Nieto oo ka hadlaya magaalada Juchitán jimcihii Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxwayne Enrique Peña Nieto oo ka hadlaya magaalada Juchitán jimcihii

Tirada dadka ku dhintay dhul gariirka ku dhuftay xeebta koonfureed ee Mexico ayaa sii korodhay oo gaartay 61 qof,sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Waxaa socda howlaha gurmadka waxa uuna dhul gariirka saamaynta ugu ba'an uu ku yeeshay gobolada Tabasc. Oaxaca iyo Chiapas.

Madaxwayne Enrique Peña Nieto ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo qof ay ku dhawacmeen dhul gariirka.

Dhulgariirkan ayaa waxa uu cabirkiisu ahaa 8.1 cabirka dhul gariirada lagu qiyaaso,waxa uuna dalka Mexico ku dhuftay khamiistii aanu soo dhaafnay.

Madaxwayne Peña Nieto ayaa ku dhawaaqay maalin baroordiiq loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka islamarkana calanka dalkaasi ayaa hoos loo dhigay

Magaalada uu sida xun ugu dhuftay dhulgariirka ayaa ah Juchitán, halkaasi oo 17 qof ay ku dhinteen.