Dowladda Ciraaq oo qabatay qoysaska ajaaniib Daacish ah

View of Hammam al-Alil camp for displaced people in northern Iraq (9 September 2017)

Xigashada Sawirka, Reuters

Mas'uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa gacanta ku haya in ka badan 1,300 oo qof oo ka mid ah xubnaha qoysaska dagaalyahannada ajaaniibta ee mintidiinta kooxda dowladda Islaamka.

Sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi iyo shaqaalaha samafalka, dadkan ayaa lagu hayaa xero loogu talagalay dadka ku barakacay colaadda dalkaasi oo ku taala koonfurta magaalada Mosil.

Haweenkan iyo carruurtan oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda ugu yaraan 13 waddan ayaa intooda badan ka soo qaxay magaalada Tal Cafar oo ciidamada dowladda ay la wareegeen bishii la soo dhaafay.

Hay'adda samafalka ee laga leeyahay dalka Norway ee NRC ee ka shaqeysa arrimaha qaxootiga oo hawlgal gargaar ka wadda xeradaasi ayaa sheegtay in dadkaasi lagu hayo meel gooni ah.

Saraakiisha dalkaasi Ciraaq ayaa waxa ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in haweenkan iyo carruurtani lagu celiyo dalalkooda.

Kumannaan ajaaniib ah ayaa sanadkii 2014 ku yaacay waddamada Ciraaq iyo Suuriya, si ay ugu hoos noolaadaan maamulka kooxda dowladda Islaamka kaddib markii kooxdani ay gacanta ku dhigtay inta badan woqooyiga iyo galbeedka dalka Ciraaq.

Ciidamada milatariga iyo kuwa sirdoonka dalka Ciiraaq ayaa u sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo booqday xerada Xammaam Al-Calil in inta badan carrurtan iyo haweenkan aysan haysan dukumeentiyadoodii saxda ahaa balse intooda badan ay u dhasheen dalka Turkiga.

Qaar kale ayaa ka soo jeeda waddamada sida Tajikistan, Azerbaijan iyo Ruushka. Sidoo kale waxaa ka mid ah tiro yar uu u kala dhashay waddamada Faransiiska iyo Jarmalka.

Xigashada Sawirka, Reuters

Sarkaal ayaa sheegay in haweenkani ay isu soo dhiibeen xoogagga Kurdiyiinta Peshmerga-ka loo yaqaan meel u dhow Tal Cafar, iyaga oo ay la socdaan raggoodi oo loo malynayo in ay ka tirsanaayeen kooxda Dowladda Islaamka.

Kuridiyiinta ayaa haweenka iyo carruurta ku wareejiyay ciidamada dowladda Ciraaq balse ma ilaa haatan cadda xaaladda ay ku sugan yihiin raggii la socday.

Taliye ka tirsan Kurdiyiinta oo lagu magacaabo Kamel Harki ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in qaar ka mid ah raggii isa soo dhiibay loo gacan geliyay mas'uuliyiinta dalka Ciraaq, halka qaar kalena la dilay kaddib markii ay isku dayeen in ay weeraraan ciidamadii gacanta ku hayay.

Weriye ka tirsan Reuters ayaa sheegay in ay soo arkeen boqolaal carruur iyo haween ah oo ku fadhiya gogol kutaan uu ka buuxa isla markaana aan haysan qaboojiyeyaal.

Dumarka uu weriyani la kulmay ayaa waxa ay wali xirnaayeen xijaab madoiw iyo indhashareer khasab ka ah dhulka ay maamusho kooxda dowladda islaamka.

Mid ka mid ah haweenka halkaa lagu hayo oo ku hadleysa luuqadda Faransiiska ayaa waxa ay sheegtay in ay dooneyso in ay Faransiiska ku laabatp balse aysan aqoon sidii ay ugu laaban lahaayee.

Xigashada Sawirka, AFP

Taliye ka tirsan ciidamada Ciraaqa ayaa sheegay in ay hayaan carruurta iyo xaasaska mintidiin ka tirsan kooxda dowladda islaamka ayna go'aan ka suganayaan dowladda sida laga yeeli lahaa.

"Si wacan baan ula dhaqanaa. Waa qoysaska dambiilayaal laayay dad aan waxbo galabsan balse markii aan wareysannay waxaan ogaanay in la marin habaabiyay," ayuu yiri sarkaalkaasi.

Hay'adda qaxootiga qaabilsan ee dalka Norway ayaa xaqiijisay in ilaa 1,000 qof oo ajaaniib ah lagu hayo goob ciidanku uu maamulo isla marnaana aan loo ogolayn in ay halkaasi ka baxaan.

Hay'addan ayaa ugu baaqday dowladda Ciraaq in ay si deg deg ah u caddeyso waxa ay ka damacsan tahay dadkani.