Motlanthe : Waa wax fiican in ANC xukunka laga qaado

Kgalema Motlanthe waxa uu mar noqday madaxweynaha Koonfur Afrika
Image caption Kgalema Motlanthe waxa uu mar noqday madaxweynaha Koonfur Afrika

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in xisbiga talada haya ee dalkaasi ee ANC in uu ku guuldaraysto doorashada guud ee dhacaysa sanadka 2019-ka.

Waxa uu sheegay in sidaas oo kaliya ay ku garwaaqsan karaan qaladaadka waaweyn ee ay galayaan madaxda ANC, sida uu hadalka u dhigay Motlanthe.

Waxa uu qayb ka yahay madaxdii hore iyo odayaasha ANC ee tiradooda sii kordhayso ee dhaliilaha waawayn u haya xisbiga.

Motlanthe ayaa xisbiga ku eedeeyay musuqmaasuq iyo maamul xumo.

Xisbiga ANC ayaa talada dalkaas hayay illaa sanadkii 1994-tii xiligii uu dhamaaday nidaamkii midab takoorka ee caddaanka ay hormuudka ka ahaayeen.

Sanadihii dambe ANC waxa ay lumisay taageeradii loo hayay qayb ka mid ah, waxaana hoos u dhacay xubnaha ay baarlamaanka ku leeyihiin iyo waliba magaalooyinka ay xukumaan ee dowladaha hoose.

Motlanthe ayaa madaxweyne ka noqday dalkaas intii u dhaxaysay 2008-dii illaa 2009-kii, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweyne Jacob Zuma, balse markii dambe ayay isku dhaceen.

Zuma ayaa xilka guddoomiyenimada ANC ka dagaya bisha December ee sanadkan, madaxnimada dalkana waxa uu ka dagayaa sanadkan 2019-ka.