Maroodiyada Africa oo ka dhuunta dadka ugaarsada

Maroodiyada Afrika
Tirada Maroodiyaasha Africa ayaa sanadihii lasoo dhaafay ay aad hoos ugu dhaceysay, ka dib markii ugaarisga feyntooda ay korartay.
Maroodiyaasha ayaa waxa ay barteen meelaha qatarta weyn ay kasoo wajihi karto.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in Maroodiyaasha Africa ay mudiga uga dhuuntaan dadka ugaarsada.
Cilmi baarayaal ka socda kooxaha u ololeeya badbaadada Maroodiyaasha iyo Jaamacadda Twente ee dalka Holand ayaa dhowr sano dabagal ku sameeynayay xadiga dhaqdhaqaaqa tobanaan Maroodiyaal ah oo ku sugnaa waqooyi bari Kenya.
Cilmi baarayaashaan ayaa ogaaday maadaama dadku ugaarsada Maroodiyayaash ay sare u kaceen, in maroodiyaashuna ay bilaabeen inay in badan socdaan habeenkii marka loo eego maalintii.
Maroodiyasha dhediga ah ayaa cilmi baarista lagu ogaaday in ay habeenkii socdaan in ka badan kuwa lab-ka ah, taasi oo u suurtagalisa inay ilaalsadaan ilmahooda.
Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in macluumaadkaan ay qeyb ka qaadato dadaalada looga soo horjeedo ugaarsiga maroodiyaha