Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay hay'adda dalxiiska adduunka ee Qaramada Midoobay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay hay'adda dalxiiska adduunka

Isabedalka dhinacyada badan ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa aqoonsaday dalalka kale ee caalamka.

Taasina waxa ay horseedday in Soomaaliya loo ogolaado inay xubin buuxdo ka noqoto hay'adda dalxiiska adduunka ee Qaramada midoobay.

Ogolaanshaha oo lagu meelmariyay shirweyne wasiirada dalalka xubnaha ka ah hay'adaasi ku leeyihiin waddanka Shiinaha ayaa waxaa Soomaaliya ku matalayay wafdi uu ka mid yahay Yaasir Maxamed Baafo oo ah la taliyaha arrimaha dalxiiska ee wasaarada warfaafinta iyo dalxiiska, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato.