Trump iyo xisbiga dimuqraadiga oo ka heshiiyay da'yarta muhaajiriinta ah

Nancy Pelosi ayaa kulan casho kula yeelatay Trump Aqalka Cad Lahaanshaha sawirka DOD/MARIANIQUE SANTOS

Labo senetar oo sarsare oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ah ayaa sheegay in ay heshiis la gaareen madaxweyne Donald Trump, si aan loo masaafurinin da'yarta muhaajiriinta ah ee aan sharciyada haysanin.

Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer ayaa sheegay in ay sidoo kale ogolaadeen in ay madaxweynaha kala shaqeeyaan ammaanka xadka, balse arrintaasi aysan ka mid ahayd darbiga uu madaxweynuhu qorshaynayo in uu ka dhiso xadka uu dalkaasi la wadaago Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Cad ayaa diiday in heshiiskaas aan laga soo reebin darbiga xadka laga dhisayo.

Madaxweyne Trump ayaa bishan horraanteedii meesha ka saaray barnaamij u roonaa dhallinyarada Maraykanka lagu keenay sharcidarrada.

Obama ayaa keenay sharciga Daca loo yaqaanno ee dhallinyaradaas ka mamnuucayay in dalka laga masaafuriyo.

Sharcigaas ayaa masaafurinta ka hor istaagayay 800,000 oo ruux, una ogolaa in ay helaan ogolaansho ku meel gaar ah oo ay ku shaqaysan karaan waxna ku baran karaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images