Deegaanka Soomaalida oo sheegay in Oramadu ay boqolaal dishay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Deegaanka Soomaalida Itooobiya oo sheegay in Oramadu ay boqolaal laysay

"Dad badan" oo Soomaali ah ayaa ku dhintay xiisad dhexmaray Soomaalida iyo Oromada Itoobiya wada dagta.

Balse arrinta ilaa shalay aad loo hadal hayay ayaa ahayd in dad shacab ah lagu laayay magaaalada awaday oo caan ku ah ganacsiga jaadka.

Masuuliyiinta maamullada Oromada iyo Soomaalida ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu hurinayo colaadda

Haddaba si aan wax badan uga ogaano waxaan khadka taleefanka ku warraysanay Maxamed Bille miig oo ah wasiirka arrimaha ciyaaraha ahna lataliyaha arrimaha saxaafadda ee madaxweynaha deegaanka Soomaalida.