Xisbiyada Siyaasadda Somaliland maxay doonayaan in lagu doorto?

Labo bilood ayaa ka dhiman tahay xilliga loo qabtay in ay dhacdo doorashada madaxweynenimada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa seddexda xisbi ee halkaa ka jira waxay soo bandhigeen barnaamijyadooda siyaasadeed ee ay doorashada ku galayaan.

Dhanka kalena, guddiga doorashada ayaa soo gunaanaday diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qaybinta kaararka codbixinta, waxaana lagu wadaa in liisaska rasmiga ah si dhakhsi ah loo soo saari doono.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa eegaya barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiyada qaran ee Somaliland.