Somaliland: Meel ay suurto gal tahay in mustaqbalka aan lacag ba la isticmaalin!

. Lahaanshaha sawirka Matthew Vickery
Image caption .

Dhawr nin ayaa hareero fadhiya saxaarado ku teedsan waddo ku taala Hargaysa, way buuqayaan oo waxay ku murmayaan tayada qaad markaas uun loo dhiibay.

Kolba qof baa imanaya oo intuu mijin qaato ka dhaqaaqaya meesha marka ay dhawr lambar oo telefoonkooda gacanta ah taataabtaan.

"In wax walba dhakhso loo bixiyaa fiican, hadaad lacag naqada bixi istidhaa waad ku raagaysaa" ayuu yidhi Cumar oo ah nin qaadwale ah oo qudhiisuba takhsiinsan "dadka hadaad dhakhso ugu shaqayso oo aad qaadka markiiba u dhiibto way ka helaan" ayuu yidhi.

Lacag naqad ah lama kala qaato, kaararka bankiyada ee Credit Card-ka la yidhaana arki maysid, laakiin hadana waxaad arkaysaa uun dad qaadkii sii sita oo dhaqaaqay. Lacagta waxay ku bixiyeen telefoonadooda gacanta.

Ma jiraan wax badan oo Somaliland tan yar la odhan karo dunida ayey ugu horraysaa, laakiin wax kala iibsiga bilaa naqadka ah iyadaa ugu horraysa ayaad is odhanaysaa.

Waa Jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaani, oo waxay ka go'day Soomaaliya sanadkii 1991-kii laakiin weli beesha caalamku may aqoonsan, hase ahaatee waxay noqotay dal safka hore kaga jira wax kala iibsiga bilaa naqadka ah, waxaanay hiigsanaysaa in ay noqoto bulshadii ugu horraysay dunida ee aan lacag naqad ah waxba ku kala iibsanin.

Ha ahaato cooshad yar oo ku taal wadada dacalkeeda ama tukaamada waaweyn ee ku yaal caasimadda Hargeisa e, lacagta telefoonka gacanta la isku marinayo ayaa maalin ba maalinta ka dambaysa dalka ka soo noqonaysa wax caadi ah.

"Imika dadka badankoodu telefoonka gacanta ayay wax ku bixiyaan" ayuu yidhi Cumar, oo qudhiisu gacanta ku haya telefoonkiisa oo lacag bixinaya "waawax aad u fudud" ayuu hadana raaciyey.

Inkasta oo dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaaba ay si isku mid ah ugu sii socdaan wax kala iibsiga bilaa naqadka ah ee loo adeegsado telefoonada gacanta iyo kaadhadhka kale, ayaa waxa muuqata in u heelanaanta Somaliland tahay mid gaar ah.

Arintan lagaga sii baxayo lacagtii naqadka ahayd ee wax lagu kala iibsanayey waxa qayb ahaan u sabab ah hoos u dhaca degdegga ah ee Shilinka Somaliland, lacagteeda gaarka ah marka lagu sarrifo doolarka, halkii doolar wuxu u dhigmaa 9,000 shilin. Dhawr sano ka horna wuxu ahaa intaa kala badhkeed.

Somaliland waxay ka go'day Soomaaliya 1991-kii markii dalku sii galay dagaal lagu hoobtay oo sokeeye, kaas oo ilaa maantadan siyaabo kala duwan weli u sii socday.

Shilinka Somaliland wuxu la kowsaday duruufo adag. Waxa markii ugu horraysay la hirgeliyay 1994-kii, waxaana aad loogu isticmaali jiray in lagu maal geliyo dagaal xukuumaddu kula jirtay kooxo hubaysnaa oo ka soo horjeeday. Markii dambena si buuxda ayuu u dhaqan galay oo waxa la doonayey in lagu hirgeliyo himilada siyaasadeed ee Jamhuuriyaddan iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida. Xiligaa laga soo bilaabona xukuumadu kolba hoos ayay dhigaysay qiimaha lacagta sanad walba.

Noodhadhka ugu badan ee aadka loo isticmaalaa waa 5000 iyo 1000 shilin, laakiin hadaad wax yar soo iibso is tidhaa waa inaad lacag badan qaadataa, hadii wax intaa ka badan aad damacdo inaad soo iibsatana waxaad u baahanaysaa inaad joonyad lacagta ku qaadato.

Lahaanshaha sawirka AFP/Simon Maina
Image caption .

Climi baadhis la sameeyey 2016-kii ayaa muujisay in dadka Soomaalida ah boqolkiiba 88 inta da'doodu ka wayn tahay 16 jir midkiiba leeyahay telefoonka gacanta, iyada oo hadaba dadka Somaliland boqolkiiba 81 ay ku noolyihiin magaalooyinka ayaa hadana dadka miyiga ku nool boqolkiiba 62 ka mid ahi ay adeegsadaan lacagta telefoonada gacanta la isku weydaarsado.

Telefoonadu gebi ahaan ba qaaradda Afrika way ku jaban yihiin waxaana sidoo kale dalalka Afrika ee ay ka midka yihiin Ghana, Tanzania iyo Uganda sidoo kale ku soo badanaysa lacagta la isku weydaarsado telefoonada, halka Kenya oo teeda u dhiganta Zaad-ka Somaliland la yidhaa M-Pesa la rumaysanyahay in kala badh dadka dalkaasi isticmaalaan.

Sidaas oo ay tahay ayaan hadana qof kastaa la dhacsanayn sida dhakhsaha ah ee lacagtii naqadka ahayd looga guurayo.

Waxa jira hadal hayn ah in musuqmaasuq jiro iyo walaac ay dadka qaarkii ka qabaan in aanu jirin sharcigii lagu xakamayn lahaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee gacanta ku haya hanaankan lacagta la isku weydaarsado telefoonada gacanta iyo saamaynta ay arintaasi ku yeelan karto dhaqaalaha dalka ee haatanba iska liiclicaya. Waa dhaqaale ku tiirsan dhoofinta xoolaha hase yeeshee abaaruhu ku soo noqnoqdaan oo laga yaabo in ay xoolo bandan galaaftaan marka jiilaal la galo, hase yeeshee waxa wiiqa musuqa ka jira xaga xukuumada.

Halka dalalka kale ee dunida lacagaha telefoonada gacanta la isku weydaarsadaa yihiin kuwooda, Somaliland labada shirkadood ee adeegan ka bixiyaa waxa keliya ee ay ogolyihiin waa lacag qalaad oo ah doolarka Maraykanka, waxaanay arintaasi sii xoogaysay aaminaadda badan ee ay dadka ku dhaqan Somaliland ku qabaan doolarka.

Inkasta oo dadka Somaliland ay tiknoolajiyadan cusub iyo xawliga ay dhaqaalaha u yeelayso ba aqbaleen, hadana waxa jira sarifleyaal aan doonayn in laga wada guuro adeegsiga lacagta naqadka ah waxaana ka maid ah Xasan iyo macaamiil door ah oo isaga daacad u ah isla markaana aan la dhacsanayn habkan cusub.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sicir bararka Somaliland oo gaaray heer uu saameeyo gaadidka dadweynaha ee Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
barnaamijyada siyaasadda Xisbiyada Somaliland