Oromada Minnesota oo ku baaqay in collaadda la joojiyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Oromada Minnesota oo ku baaqay in collaadda la joojiyo

Qowmiyada Oromada ee daggan gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka, ayaa ku baaqday in colaadda ka dhex taagan qowmiyadooda iyo midda Soomaalida si degdeg ah loo joojiyo lana soo qabto dadkii dhibaatada gaystay ee labada dhinacba.

Arrintan ayaa timid xilli maalmihii la soo dhaafay uu dagaal u dhaxeeya labada qowmiyadood ku dhexmarayay qeybo ka mid ah dalka Itoobiya.

Haddaba Mukhtaar Yusuf Xasan, oo ku magac dheer Mukhtaar Adero, oo ka mid ah qowmiyadda Oromada, ayaa baaqooda uga warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine).