Booliiska London oo xiray Nin kale oo lala xiriirinayo weerarkii Tareenka

. Lahaanshaha sawirka PA
Image caption .

Nin labaad oo lala xiriirinayo weerarki jimcihii lagu qaaday Tareen magaalada London ayaa la xiray.

Ninka la xiray oo 21 jir ah ayaa laga soo qabtay Hounslow, galbeedka London,habeenimadii sabtida iyada oo loo cuskanayo qodobka 41 ee la dagaalanka argagixisada.

Waxa uu imika ninkani lagu hayaa saldhig booliis oo ku yaalla Koonfurta London .

Weerarkaasi lala beegsaday wadada Tareen ayaa waxa ku dhaawacmay 30 qof.

Booliiksa dalka Britain ayaa wali wada baaritaanada la xiriira weerarkaasi.