Caruur ka soo qaxday Myanmar oo aysan waalidkood la socon

Xigashada Sawirka, MIR SABBIR/BBC
Qaar ak mid ah caruurta soo qaxday
Hay'adaha gargaarka ee caawinaya dadka Muslimiinta Rohingya ee ku soo qaxay Bangaladesha ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan caruur badan ooo aan waalidkood la socon.
Hay'adaha ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan ku dhawaad 1,300 oo caruur ah oo aysan waalidkood amaba qaraabadooda wehelin kuwaasi oo soo gaaray Bangaladesh.
Qaar ka mid ah caruurtani ayaa waxa ay da'dooda ka yartahay saddex jir sida ay hay'adaha sheegeen.
Mid ka mid ah shaqaalaha hay'ada ba'baadada Dhalaanka qaramada midoobe ee UNICEF ayaa BBC u sheegay in caruurta qaar waalidiintooda la dilay.
Qaar kale oo ka mid ah caruurta Rohingya ee soo gaaraya Bangaladhesh ayaa la sheegay in waalidiintooda ay kala lumen markii la qaxay.
Dalka Myanmar ayaa wax ka soo qaxay dad gaaraya 300,000 oo ah Muslimiinta Rohingya kuwaasi oo soo gaaray Bangaladesh.
Qaramada midoobe ayaa hore ugu tilmaamtay dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya in ay tahay Isir sifeyn.