Duufaan horleh oo la filayo in ay ku dhufato Caribbean-ka

Askar Maraykan ah ayaa Axaddii laga soo badbaadiyay jasiiradaha Maraykanka ee Virgin Islands Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Askar Maraykan ah ayaa Axaddii laga soo badbaadiyay jasiiradaha Maraykanka ee Virgin Islands

Duufaanta loogu magacdaray Maria ayaa la filayaa in ay noqota mid halis ah iyadoo u sii dhawaannaysa, jasiiradaha Leeward ee Caribbean-ka.

Duufaantan heerkeedu yahay darajada koobaad ayaa si degdeg ah u sii xoogaysan doonta 48-da saac ee soo socota, jasiiradahaas ayayna ku dhufan doontaa Isniinta, sida ay ku warrantay waaxda qaran ee arrimaha duufaanta Maraykanka ee NHC loo soo gaabiyo.

Duufaantan ayaa u socota si aad ugu dhaw dhankii duufaanta Irma, taas oo bishan burburisay gobolka.

Digniinta duufaanta ayaa laga soo saaray Guadeloupe, Dominica, St Kitts and Nevis, Montserrat and Martinique.

Maraykanka, British Virgin Islands St Martin, St Barts, Saba, St Eustatius iyo Anguilla ayaa hadda igununa isha ku haya duufaanta.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dabaylihii xoogga badanaa iyo roobkii horay saameeyay Florida

Qaar ka mid ah jasiiradahaas ayaa wali ka soo kabanaya dhibaatadii ay u gaysatay duufaanta Irma oo darajadeeda lagu sheegay heerka shanaad ee cabirka duufaanta.

Duufaantaas waxay galaafay nolosha 37 ruux, burbur malaayiin doolar gaaraya ayayna gaysatay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan