Dad dibad bax dhigayay oo lagu xirxiray magaalada Kampala

Dibad baxayaal
Image caption Dibad baxayaal

Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu xiray caasimada Uganda ee, Kampala, ka dib dibad bax looga soo horjeedo hindisa sharciyeed lagu doonayo in lagu kordhiyo da'da uu madaxwaynaha xilka hayn karo.

Dastuurka dalka Uganda ayaa hadda dhigaya oo ku xaddidaya da'da madaxwaynaha 75 sano.

Isabadal lagu sameeyo dastuurka dalkaasi ayaa waxa ay fursad u siinaysaa madaxwayne Yoweri Museveni in mar kale uu xilka u tartamo doorashada sanada 2021.

Da'da saxda ah ee madaxwayne Musavani ayaa waxaa ka taagan dood,hasa yeeshee barta lagu qoro taariikhaha ee Wikipedia ayaa muujinaysa in uu yahay 73 sano jiro.

Ururka dhaqdhaqaaqa dhalinyarada oo soo agaasimay dibad baxa ayaa waxa ay sheegeen in xafiisyadooda ay xalay jabsadeen booliiska.

Ururka ayaa waxa ay intaasi ku dareen in xafiisyadooda laga qaaatay Kombutaro iyo qalab kale.