Macalin caawiya Agoonta Boko Xaraam oo abaalmarin caalami ah helay

Zannah Mustapha oo ardayda la jooga Lahaanshaha sawirka Rahima Gambo/UNHCR
Image caption Zannah Mustapha oo ardada la jooga

Nin xanaanayn jiray agoonta ay ka dhinteen dagaalyahanada Islaamiga ah iyo ciidamada Naajeeriya ayaa ku guulaystay abaalmarinta sanadkan ee hay'ada UNHCR ee loo yaqaano Nansen Refugee Award.

"Waa saaxibada ugu wanaagsan ayuu ku yiri ardadiisa," Zannah Mustapha."

Mr Mustapha ayaa ahaa asaasihii iskuulada hoose dhexe ee ay tiradooda aadka u yartahay ee ku haray magaalada ay dagaalada halakeeyeen ee Maiduguri.

Waxa uu sidoo kale wadaxaajood ka galay siideynta 80 ka mid ahaa gabdhihii ay afduubteen kooxda Boko Xaraam.

Mr Mustapha oo hore u ahaan jiray qareen ayaa door wayn ka qaatay dhexdhexaadinta dowlada Nigeria iyo kooxda Boko Haram si loo soo daayo gabdhaha la afduubtay.

In ka badan 100 ka mid ahaa 276 gabdhood ee laga afduubtay iskuul ku yaalla Chibok 2014 ayaan wali la hayn waxaana la rumaysan yahay in wali ay gacanta ugu jiraan kooxda Boko Xaraam.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption In ka badan 100 ka mid ah gabdhaha afduubnaa ayaa la soo daayay

Iskuulka Islaamiga ee Future Prowess, ayaa macalinkan iskiisa isu xilqaamay, una furay wuxuuna si bilaash ah wax ku baraa caruurtan.

Waxaa iskuulka sidoo kale ardada lagu siiyaa cunno lacag la'aan ah, dharka iskuulka iyo adeeg caafimaad.

Hay'ada UNHCR ayaa abaalmarinta Nansen Refugee Award waxa ay ku maamuustaa oo ay siisaa dadka adeega aan caadiga ahayn ee baaxada leh siiyay dadka lagu qasbay in ay qaxaan.

Dadka horey ugu guulaystay abaalmarintan waxaa ka mid ah Gra├ža Machel, Luciano Pavarotti iyo Eleanor Roosevelt.

"Waxbarshada waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu awooda badan ee lagu caawiyo caruurta qaxootiga ee ka soo kabanaya naxdinta rabshadaha iyo qaxa qasabka ah," waxaa sidaasi sheegay madaxa hay'ada qaxootiga qaramada midoobe ee UNHCR Filippo Grandi.

"Shaqada ay hayaan Mustapha iyo kooxdiisa waa mid muhim ah" ayuu intaa ku daray.

Mustapha waxaa abaalmarinta lagu gudoonsiin doonaa xaflad lagu qaban doono magaalada Geneva 2 bisha October.