Galmudug:Nin Nebiga af-lagaadeeyeey oo la raadinayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Galmudug:Nin Nebiga "af-lagaadeeyeey" oo la raadinayo

Maamul goboleedka Galmudug ayaa laamaha nabadgelyada ee dowlad goboleedkaas ku amray in ay soo qabtaan nin la sheegay inuu ku xad gudbay diinta Islaamka. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay waajib tahay in ninkaa la soo qabto oo la baadho.

Maalmahan ayaa waxaa baraha internet-kee bulshadu ku xidhiidho waxaa dhex socday muuqaal la sheegay in laga soo duubay nin deggan magaalada Gaalkacyo oo sawir uu meel dhigay ku sheegay in uu yahay muuqaalkii nabi Muxammed Naxariis iyo Nabad-gelyo Korkiisa Ha ahaatee.

Hadaba wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed ayaa weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele u waramay waxaanu ku bilaabayaa faahfaahinta amarka ay soo saareen.