Norway oo booliis xabsiga u dhigtay daroogo

Eirik Jensen oo 60 jir ah ayaa mar ahaa madaxa booliiska la dagaalama dambiyada abaabulan ee Oslo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Eirik Jensen oo 60 jir ah ayaa mar ahaa madaxa booliiska la dagaalama dambiyada abaabulan ee Oslo

Salkaal sare oo ka tirsanaa booliiska ayaa lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah isaga oo lagu helay in uu laaluush qaatay iyo in uu gacan siiyay koox daroogada si qarsoodi ah uga shaqaysata.

Eirik Jensen, oo madax u ahaa waaxda ka booliiska u qaabilsan la socoshada dambiyada abaabulan ee magaalada Oslo ayaa la xiray sannadkii 2014kii.

Isniintii ayay maxkamaddi ku heshay in uu qaatay £63,200 oo laaluush ah oo uu ka qaatay si uu gacan uga siiyo kuwa daroogada gada in ay dhawr tan oo xashiish ah galiyaan Norway.

Wuu diiday eedaymaha loo soo jeediyay wuxuuna qorshaynayaa in uu racfaan qaato sida uu qareenkiisu sheegay.

Xukunka 21 sano ah ee lagu soo oogay ayaa ah kan ugu dheer laaluush la xiriira marka la eego sharciga dalkaas, waana dhacdo naadir ku ah Norway.

Waxaana inta badan lagu soo daraa liiska dalalka ugu musuqmaasuq yar adduunka, sannadkii 2016kiina wuxuu shaxda adduunka ka galay waddanka lixaad ee ugu musuqmaasuq yar dunida.