Ninka lagu eedeeyay in uu nabiga aflagaadeeyay oo BBC la hadlay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ninka lagu eedeeyay in uu nabiga aflagaadeeyay oo BBC la hadlay

Maxkamad ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa ka bari yeeshay Sh. Cabdiweli Sh. Cali Cilmi Yare kiis beryahan aad loogu faafiyey baraha bulshada oo lagu eedeeyey sheekha in sawir uu meel dhigay uu ku sheegay in uu yahay muuqaalkii nabi Muxammed Naxariis iyo Nabad-gelyo Korkiisa Ha ahaatee.

Sh.cabdiweli Sh. Cali Cilmi Yare ayaa BBC u sheegay in laga been abuurtay hadalkiisana si xun loo dhigay. Farax Lamaane ayuu u warramay.