Kurdiyiinta Ciraaq oo maanta u codaynaya afti madaxbanaani

Dadka Irbil oo aad u taageersan Aftida Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka Irbil oo aad u taageersan Aftida

Codbixiyayaasha aftida madaxbanaanida ee muranka dhalisay ee gobolka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa maanta u dareeraya goobaha codaynta.

Raisul wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ka digay in uu qaadi doono tillaabada lagama maarmaanka ah si uu u ilaaliyo midnimada dalka.

Wadamada ree galbeedka ayaa walaac ka muujiyay in codaynta aftida ay dhalin karto rabshado cusub ayna caqabad ku noqon karto dagaalka ka dhanka ah kooxda isku magacaawday dowlada Islamka.

Hasa yeeshee Kurdiyiinta oo muddo dheer u doodayay wadan ay leeyihiin Ayaan dhag u dhigin baaqyadaasi islamarkana horey u sii waday aftida.

Waxaa la filayaa in aqlabiyada dadka Kurdiyiinta ay (Haa) ugu codeeyaan aftida maanta dhacaysa.

Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in ay qasab tahay in aftida la joojiyo islamarkana aysan dhaqangalin doonin natiijada ka soo baxda.

Raisul wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa sheegay in aftida ay tahay mid aan dastuuri ahayn.

Ma uusan cadayn tillaabooyiinka uu doonayo in uu qaado.

Hogaamiyaha Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq,Massoud Barzani, ayaa dhankiisa sheegay in aftida maanta dhacaysa ay dadkiisa u damaanad qaadayso ammaankooda.