Shan arrimood oo “fududeeyay” in la rido madaxda Galmudug iyo Hirshabelle

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Lahaanshaha sawirka .
Image caption Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waa kuwa ugu da'da yar ee Soomaaliya ka jira, haddana waa kuwa madaxweynayaashooda ay xilka hayaan muddo aad u gaaban.

Labada maamulba waxaa soo maray min labo madaxweyne, iyada oo Galmudug madaxweynihii 4 bilood ka hor la doortay ay xildhibaano sheegeen in ay xilka ka qaadeen, dowladda federaalkana ay go'aankaas ku waafaqday.

Saddexda maamul ee kale, madaxweynaha ugu yar ayaa xilka haya seddax sanno, mana muuqato wax saansaan ah oo xilka looga qaadayo, waxayna hormuud ka yihiin maamulo salkooda adagyahay sida uu ku doodayo xeeldheere siyaasadeed oo BBC-da u waramay oo lagu magacaabo Xasan Xayle.

Haddaba maxaa ugu wacan in ay sahlantahay in xilka laga qaado madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, si ka duwan maamul goboleedyada kale.

Halkan waxaan kusoo koobaynaa shan arrimood oo loo sababeeyay.

Waa maamullo cusub

Lahaanshaha sawirka Madaxtooyada Soomaaliya
Image caption Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay caleemo saarka madaxweyne Xaaf bishii Maajo, 2017.

Waa labadii maamul ee ugu dambeeyay ee la dhiso, qeybna ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya, sida uu qabo falanqeeye siyaasadeed Xasan Xayle oo London ku sugan, ma ahan maamullo wali adkaystay, lehna waayo aragnimo ku filan oo ay xilka kusii xajistaan.

"Tan koowaad waxaan isleeyahay in ay tahay waa maamullo curdun ah oo aanan xoogeysanin" ayuu yiri Xasan Xayle.

Labadaba waxaa la dhisay sanadihii ugu dambeeyay xilka ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana jirtay dood ah in haddii madaxweyne cusub uu dalka qabsado in isbadal uu ku dhici karo maamul goboleedyadan,

Xassan Xayle ayaa yiri: "Marka aad eegto Galmudug oo kale markii uu joogay Guuleed waxa lagu eedeyn jirey in samaynta maamulkaasi uu ka dambeeyay Xasan (madaxweynihii hore), dadka qaarkoodna waxa ay ku doodayaan waxayba ahayd in ay raacaan madaxweynihii hore".

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in ay iyadu soo abaabushay xildhibaano sheegay in ay isaga xilka ka qaadeen, go'aankaas oo markii dambe ay taageertay wasaaradda arrimaha gudaha sida ku cad war saxaafadeed ku taariikhaysnaa 26-da Sabtembar, 2017-ka oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Madaxweynihii xilka horey looga qaaday ee Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo wali ku adkaysanaya in uu madaxweyne yahay ayaa dowladda dhexe isna ku eedeeyay in ay ka dambeysay in isaga xilka laga qaado.

Guddi golaha wasiirada ka tirtsan oo loo saaray khilaafkii Hirshabeelle ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen 20-kii bishii Agoosto , 2017, ku taageereen xilka qaadistii baarlamaanka Hirshabeelle ay ku sameeyeen Cali Cabdullaahi Cosoble 14-kii bishii Agoosto, 2017-ka.

Ma haystaan ciidammo u gaar ah

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Ciidammada xasilinta caasimadda Soomaaliya oo hawlgal u diyaargaroobaya

Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka hawlgala ciidammada dowladda federaalka haddii ay ahaan lahaayeen xoogga dalka iyo waliba kuwa nabad suggida oo si toos ah uga amar qaata dowladda dhexe.

War saxaafadeedkii kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee lagu taageeray xil ka qaadista madaxweyne Xaaf ayaa qodobka ugu dambeeya waxaa amar lagu siiyay ciidamada kala duwan ee Galmudug ku sugan in ay suggaan amniga, kana hortagaan wixii qalqal ku ah amniga.

Xasan Xayle ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Xaaf ku dadaalayo sidii uu Galmudug uga samayn lahaa ciidamo isaga si toos ah uga amar qaata, si awoodiis xukun uu salka ugu dhigo.

Arrin kale oo muujinaysa in uu jiro isku tashi xag ciidan ayaa waxa ay tahay in guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casar uu BBC-da u sheegay sidan "Halkan waxaa ka taagan arrin aad u cakiran oo ciidamadii la aruurinaayo, oo la isku duba ridaayo, meel loo wado ma garanaynee. sidaad ka warhaysaanna, aniga iyo madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka xabsi guri ayaan ku jirnaa".

Tabardaro Dhaqaale

Labadan maamul ma lahan illo dhaqaale oo u gaar ah, si ka duwan maamullada kale oo gaaray isku filnaan illaa xad ah oo ay kaga maarmaan dowladda dhexe.

Xasan Xayle oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay: "Maamuladan ma heystaan dhaqaale fiican, waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, iyo in dowladda dhexe aysan waxbo u qoondeynin".

Waxaa la sheegaa in maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay leeyihiin dekedo uu kasoo galo dakhli ay ku maareeyaan arrimahooda, halka Hirshabeelle iyo Galmudug ay ku tiirsanyihiin dowladda dhexe.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, dhawaan miisaaniyad ay horgeysay baarlamaanka oo markii dambe la ansixiyay ,waxa ay markii ugu horeysay ku dartay qoondo lacageed oo loogu talogalay maamul goboleedyada, waxaana xusid mudan in Hirshabeelle ay tahay maamul goboleedka ugu qoondada yar.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa horey u sheegay in uu wado qorshayaal uu deked kaga dhisayo Ceel Macaan, garoonna ka furayo Cisaley, si buu yiri maamulka uu u helo illo dhaqaale oo hawlihiisa ku kala wadi karo. Haseyeeshee qorshayaashaasi waxbo kama fulin.

'Ma haystaan dalal daris ah oo taageera'

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada AMISOM

Sida uu qabo falanqeeye Xasan Xayle, maamul goboleedyada qaar waxa ay taageero xoog leh ka heystaan dalalka dariska oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, sidaasi darteedna aan si fudud xilka looga qaadi karin madaxdooda, balse Hirshabeelle iyo Galmudug ma haystaan fursadaas.

"Dowladaha dariska ayaa lagu eedeeyaa in ay dhinac kasta ka taakuleeyaan maamuladaas oo ay u hagar baxaan, sida cad waa maamulo ku xiran Addis Ababa ama Nairobi, waxaan ognahay in dowladaha dariska ah ay maamulada is kala xijiyaan " ayuu yiri Xasan Xayle.

Inkastoo labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM, hadana taageero toos ah kama helaan, waxayna ku xiran yihiin maamulka Xalane iyo dowladda dhexe.

Khilaafka u dhexeeya Madaxdooda

Maadaamaa lagu dhisay nidaam dib u heshiisiineed oo awood qeybsi ah, markii la dhisayayna uu jirey khilaaf badan, waxa la sheegay in madaxdooda ay aad u kala qeybsanyihiin.

"Markii khilaafkii Khaliijka uu dhacay sida madaxda Galmudug ay u kala safteen dadka qaarkood waxa ay kuu fasireysaa in ay ku xiran tahay moowqifyada bulsheed ee ay kasoo kala jeedaan," ayuu yiri Xasan Xayle oo BBC-da u waramay isaga oo London jooga.

Waxa uu intaas ku daray in madaxda ay eegtaan maslaxooda gaarka ah: "Waxaan ka xumahay in aysan meesha ka jirin macno dowladeed, waxaa meesha ka muuqdo waa maslaxadda shaqsiga ah iyo tan qabiilka ah," ayuu yiri Xasan Xayle.

"Waxaa jirta in madaxda maamuladan aysan muujinin rabitaan dhab ah oo ah in ay wax dhismaan, waxaad arkaysaa in markasta ay jecelyihiin in ay iska joogaan magaalada Muqdisho oo aysan waqti fiican ku qaadanin Cadaado iyo Jowhar", ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Xayle oo siyaasadda ka faallooda.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Madaxwaynaha Galmudug oo wax lagu qoslo ku tilmaamay in xilka laga xayuubiyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dowlada federaalka oo ka hadashay wadahalada Ahlu Suna iyo Galmudug

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan