Jarmalka: Dameer qaniinay gaari oo lacag lagu ganaaxay

Gaariga waa nooca raaxada oo leh midibka Karootka Lahaanshaha sawirka MCCLAREN/ISTOCK
Image caption Gaariga waa nooca raaxada oo leh midibka Karootka

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa xukuntay in ninka leh dameer qaniinay gaari nooca raaxada ah in uu bixiyo $6 kun oo dollar oo dib loogu hagaajiyo gaariga.

Qaniinyada ayaa dhaawac gaarsiisay gaariga oo midab karootada leh oo ah nooca ciyaaraha.

Waxaa jirtay hadallo la isla dhexmarayay oo ah in dameerka uu gaariga ku qalday karooto, maadaama gaariga uu leeyahay midabkeeda.

15 bishii September ee sanadii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii Markus Zahn uu gaarigiisa dhigtay goob gaadiidka la dhigto oo daris la ah meel xoolaha lagu xanaaneeyo oo ku taalla Vogelsberg,oo ah degmo ku taalla gobolka Hesse.

Dameer lagu magacaabo Vitus ayaa qaniinay qaybta danbe ee gaariga sida uu sheegay milkiilaha gaarigaasi.

Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in Dameerkaasi uu gaarigani leh midibka Kaarootka uu u maleeyay in uu yahay Kaaroot ama Dabacase islamarkana uu qaniinay.

kKol-hore, milkiilaha Dameerka ayaa diiday in uu bixiyo lacag dhan $7,050 doolar oo ah garaafadii iyo waxyeeladii uu Dameerkiisa u gaystay Gaariga.

Milkiilaha Dameerka ayaa ku doodayay in Dameerkiisa Vitus uusan dambi lahayn, balse ninka gaariga leh oo lagu magacaabo Mr Zahn ayuu ku eedeeyay in gaari qaali ah oo qiimihiisu gaarayo 300,000 oo Yuuro, uu dhigtay meel u dhaw goobtan lagu xanaaneeyo xayawaanka.