Gabadh Muslim ah oo la qiirootay hadiyad la siiyay

Boombalada Xijaaban ayaa ah kuwa gacanta lagu sameeyay Lahaanshaha sawirka SHEZA HASAN
Image caption Boombalada Xijaaban ayaa ah kuwa gacanta lagu sameeyay

Haweenay Muslim ah oo ka soo jeeda magaalada Ontario, ee dalka Canada,ayaa uga mahadcelisay qof aan la qoon oo Hadyad ahaan ugu keenay 25 Boombala oo xiran Xijaab .

Sheza Hasan ayaa markii ay gurigeeda dib ugu soo laabatay waxay Albaabka laga soo galo ka heshay Sanduuq ay dulsaaran tahay warqad ay fariin ku qoran tahay.

Markii ay Sanduuqa furtay waxay gudihiisa ka heshay Boombalo loo xiray Xijaab.

Ms Hasan ayaa barteeda Facebook soo galisay Sawirada Hadyaddan la yaabka leh .

Weligaa ma maqashay warqad jacayl oo sida imtixaanka loo saxay?

Warqad uu Maxamed Cali u diray Mandela oo la iibiyay

Mulkiilaha Facebook oo warqad u qorey gabadhiisa yar

Sawirada ay soo galisay Facebook ayaa waxay soo jiiteen dad badan islamarkana wadaagay oo sii baahiyay .

"Dareenka qaar ayaa waxa uu yahay mid taabanaya qalbigaaga,"ayay soo qortay.

"Naf la yaab leh oo aan la aqoon ayaa xirmadani Hadyadda dhigtay Albaabkeyda ayay intaa ku dartay.

"Qoraal yar oo macaan oo la socoday xirmadan ayaa la iigu sheegay in ay ogaatay in aysan jirin Bombalo xijaaban oo Suuqyada yaalla islamarkana ay aniga noo samaysay 25 Boombalo oo Xijaaban," ayay tiri Ms Hasan.

Image copyrightSHEZA HASAN

Lahaanshaha sawirka SHEZA HASAN
Image caption Warqadda Albaabka loo dhigay Gabadha

Sheza Hasan ayaa sheegtay in arrintan ay xusuusisay in mar waliba ay jiraan dad badan oo wanaagsan.

Sheza ayaa intaa ku dartay in arintan ay dhiirigalin u noqtay .

Sheekada Ms Hasan ayaa waxa wadaagtay kumanaan qof oo isticmaala baraha bulshada,waxaana tabiyay warbaahinta dowlada Canada ee CBC.

"Jawaabta waxa ay ahayd mid ka sareysa intii aan filayay," ayay ku sheegtay qoraal kale oo ay soo dhigtay Facebook.

"In aan fariisto Kamarada horteeda xaqiiqdii waa mid igu adag." ayay raacisya.

Sheza Hasan ayaa sheegtay in marka ay dadka arkaan Gabadh Muslim ah oo TV-ga ka hadlaysa ay badalayso fikirkii ay ka haysteen Muslimiinta.

Lahaanshaha sawirka SHEZA HASAN
Image caption Sheza Hasan,(Bidix ) iyo Qoyskeeda

Waxa ay carabka ku adkeysay in mar waliba ay u mahadcelinayso qofka aan la aqoon heebtiisa ee meesha u dhigay Boombalada Xijaaban ee Hadyadda ah.

"Waxa aan si naxariis leh kaaga codsanayaa in aad ii timaado," ayay tiri Mrs Hasan.

"Waxay tusaale u noqonaysaa dadka kale in ay arkaan oo ay dhiiri galin u nqoto " ayay intaa ku dartay.