Nin musuqmaasuq dartiis dil loogu xukumay

Nguyen Xuan Son waxa uu ahaa maareeyihii bangiga weyn ee Vietnam Lahaanshaha sawirka VIETNAM NEWS AGENCY/AFP
Image caption Nguyen Xuan Son waxa uu ahaa maareeyihii bangiga weyn ee Vietnam

Maareeyihii hore ee bangiga Ocean Bank oo lagu soo oogay dacwado la xiriiro musuqmaasuq ayaa dil toogasho ah lagu xukumay dalka Vietnam.

Dacwadda ayaa waxa ay la xiriirtaa malaayiin doolar oo si sharci darro ah amaah ahaan uu bangiga u bixiyay xiligii uu bangiga maamulayay Nguyen Xuan Son.

Waxyaabaha lagu heley waxaa ka mid ah wax isdabo-marin, lunsasho lacageed iyo maamul xumo.

Bangigan ayaa waxaa qeyb ahaan leh dowladda Vietnum, sidaas darteed dambigiisa waxaa loo arkay mid halis ah.

Markii uu ka tagay shaqada bangiga ayuu ninkan madax ka noqday shirkadda shidaalka dalkaas Petro Vietnam.

Dalka Vietnum ayaa waxa la sheegay in ay ka mid tahay dalalka ugu badan adduunka ee dadka ku xukuma, kuna fuliya dilalka sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International , balse waa markii koowaad oo qof darajadan leh dil lagu xukumo.

Garyaqaanka Mr. Nguyen ayaa sheegay in uu rafcaan ka qaadan doono xukunka.

Illaa 51 qof oo bangiga ka tirsanaa ayaa dacwaddan loo haystay, taas oo lagu lunsaday lacag dhan $69 milyan oo doolar.

Lahaanshaha sawirka VIETNAM NEWS AGENCY/AFP
Image caption Ha Van Tham waxa uu isna ahaa guddoomiyihii hore ee bangiga, waxaana lagu xukumay cimri xarig

Xukunkan ayaa dhacaya xili Vietnam laga wado qorshe balaaran oo musuqa lagula dagaalamayo, iyada oo dalkaas lagu sheego in uu yahay kan ugu musuqa badan Aasiya.

Balse dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in qorshahan lagula tiigsaday dadka dowladda kasoo horjeeda.