Qurba joog Mareykanka waxku bartay balse go'aansaday inuu Soomaaliya dib ugu laabto
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qurba joog Mareykanka waxku bartay balse go'aansaday inuu Soomaaliya dib ugu laabto

Qurba joog badan oo Soomaali ah ayaa ku guryo noqday dalkoodii hooyo, iyadoo qaar ka mid ahna ay dib ula noqdeen aqoontii ay ka soo barteen wadammada ay ku noolaayeen.

Kuwo kale ayaa waxa ay dalkii geeyeen fikrado iyo xirfado ganacsi oo ay ka soo faa'iideen wadammadii ay kal hore u dhoofeen.

Dadkaas ayaa sheegay in himiladoodu ay tahay inay waxa ay barteen iyo khibradahooda uga faa'iideeyaan dadka iyo dalkaba.

Maxamuud Faarax Cali oo loo yaqaan "Wayl" ayaa ka mid ah qurbajoogtii gobolka Minnesota ee dib ugu laabtay Soomaaliya. Maxamuud waxa uu bartay cilimiga korontada, Minneapolis ayey isku arkeen weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen oo marka hore waydiiyay waxa uu dalkii ka qabto?