Carruur Muslimiinta Rohingya ah oo ku dhintay doon quustay

Dad badan oo reer Rohingya ah ayaa dooni ugu qaxay dhanka Bangladesh Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad badan oo reer Rohingya ah ayaa dooni ugu qaxay dhanka Bangladesh

Ugu yaraan 12 ruux ayaa dhintay ka dib markii ay dagtay doon ay saarnaayeen dad ka soo jeeda qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah, kuwaas oo ka cararayay dhibaatada ka taagan Myanmar, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doontaasi waxay ku dagtay meel u dhaw dalka Bangladesh.

Dad kale ayaa la la'yahay ka dib markii ay arrintaasi ka dhacday wabiga Naf, Axaddii.

Waxaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay boqol ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen carruur.

Hawlo samato bixin ah ayaa hadda socda.

Dad qawmiyadda Rohingya u dhashay ayaa horay u dhintay iyaga oo isku dayaya in ay u tallaabaan dhanka dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh, iyadoo milatariga dalkaasi ay hawlgallo ka wadaan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee saarnayd doonta Axaddii dagtay, iyadoo askarta xuduudaha ee Bangladesh ku qiyaaseen tiro is khilaafsan oo 40 ilaa 100 ah.

Saraakiishuna waxay sheegeen in illaa iyo hadda ay heleen maydadka 10 carruur ah haweenay iyo nin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka qaxaya waxaa ka mid ah carruur iyo dad waayeel ah

Waa dhacdadii u dambaysay ee la xiriirta doomo ay dad badan ku dhinteen oo dhawaanahan quusayay kuwaas oo waday, dadka muhaajiriinta ah ee qawmiyadda Rohingya oo u qaxaya dhanka Bangladesh.

Dad lagu qiyaasay 60 ruux ayaa la rumaysan yahay in ay ku dhinteen dhacdo tan la mid ah oo dhacday bishii Sabtembar.

Qaar badan oo qawmiyaddaas ka mid ah ah xadka dhulka ayay ku qaxeen, dadka qaarkoodna doomo kaluumaysi oo tacbaan ah ayay isku dayeen in ay badda kaga tallaanbaan.