Maraykanka oo cambaareeyay doorasha Venezuela

Venezuela Lahaanshaha sawirka AFP

Dawladda Maraykanka ayaa cambaaraysay doorashadii Axaddii ka dhacday Venezuela ee lagu soo dooranayay Barasaabyada, iyaga oo ku ku suntay mid "aan xor iyo xalaal toona ahayn".

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in wax isdabomarin ay ka jirtay waraaqaha coddaynta, xarrumo codaynna meelo kale loo wareejiyay iyadoo aan shacabka lagu sii war galinin.

"Waan cambaaraynaynaa doorashadii aan xor iyo xalaasha ahayn ee ka dhacday Venezuela. Lama dhagaysanin codka reer Venezuela", ayay tiri Heather Nauert oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Taageerayaasha madaxweyne Maduro ayaa ku guulaystay 17 kursi oo ka mid ah 23kii barasaab ee gobolada laga soo doonanayay, laakiin hogaamiyeyaasha mucaaradku waxay ku eedeeyeen wax isdabomarin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Nicolás Maduro ayaa sheegay in hannaanka doorashada Venezuela uu yahay "midka ugu wanaagsan adduunka"

Xulafada Mucaaradka ee DUR ayaana diiday in ay aqbalaan natiijada doorashada.

Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa ammaanay guusha u soo hoyatay chavismo, oraahdaas oo ah astaan xisbigiisa loo yaqaanno oo uu bixiyay madaxweynihii hore ee dalka Venezuela, Hugo Chavez.