Sharciga xakamaynta hubka Australia oo "wiiqmaya"

Hub Lahaanshaha sawirka Getty Images

Mid ka mid ah dadka diyaariyay sharciga xakamaynta hubka ee Australia ayaa uga digay dalkaasi in la dabciyo xakamayntaasi.

Dowladda Australia ayaa xaddiday haysashada hubka ee dalkaasi, ka dib markii jasiiradda Tasmania toogasho lagu dilay 35 qof sanadkii 1996.

Dadka qaar ayaa ku taliyay in Maraykanka uu qadao tallaabo taa la mid ah, waxaana dooddaasi ay xoogaysatay ka dib weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee bishii hore ka dhacay magaalada Las Vegas.

Haseyeeshee Tim Fischer, oo Australia ra'iisal wasaare kuxigeen ka ahaa sanadkii 1996, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka waceenayo sharcigaasi.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli dadka u ololeeya hubka ay sheegayaan in "muwaadiniinta si sharci ah hubka u haysata" aad loo xakameeyo.

Fischer ayaa intaa ku daray in inkastoo sharcigaasi lagu wiiqay "wareegtooyin", uu haddana weli awood leeyahay, kana wanaagsan yahay kuwa ka jira dalal, isla markaana uu hoos u dhigay dilalka hubka lagu geysto.