Dad dacweeyay shirkad samaysay misko loo galiyay

Misig Lahaanshaha sawirka Getty Images

Boqolaal dad ah oo loo galiyay misig ciladaysan ayaa maxkamadda sare ee UK ka dacweeyay shirkaddii samaysay miskahaas.

Waxaa loo arkaa in dacwaddani ay tahay middii ugu baaxad waynayd ee nooceeda ah ee UK ka dhacda.

Shirkadda DePuy ayaa diiday miskahoodu ay ciladaysnaayeen oo ay sidaa ugu horseedeen in bukaannada qaar ay baahdaan qalliinno ka badan intii daruuriga ahayd.

Bishii Agoosto ee 2013kii ayaa la joojiyay wax soosaarka qalabka Pinnacle Ultamet ee miskaha lagu badalo.

Qareennada ayaa sheegay in macaamiishoodu ay dhibaato kala kulmeen miskahaas macmalka ah kuwaas dhaawici kara agagaarka meesha la galiyo xannuunna keena.

312 ruux oo miskahaas macmalka ah loo galiyay ayaa sheegay in ay durba u baahdeen qaliin kale si loo saxo wixii ka khaldamay.

Maalintii u horraysay ee dhagaysiga ayaa maxkamadda loo sheegay in ciladaha gala miskahan birta ka samaysan marka ay toban sano ruuxa ku jiraan in ay lix jeer ka badan yihiin kuwa waxyaabaha kale laga sameeyo een birta ahayn.