Ilhan Cumar oo ka hadashay weerarkii Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mas'uuliyiinta gobolka Minnesota oo ka shiray weerarkii magaalada Muqdisho

Magalaada Minneapolis waxaa xalay lagu qabtay kulan loogu baroor diiqayo dadkii ku dhammaaday qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho ee galaaftay nolasha ku dhawaad 300 oo qof.

Kulankaasi ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah madaxda laga soo doorto goballka Minneisota ee wadanka maraykanka iyo qaar ka mida bulshada Somaaliyeed ee kunool gobalkaasi.

Arrimaha la isla soo qaaday muddadii uu kulankaasi socday ayaa waxaa ka mid ah in gobolka Minnesota iyo dawlada waddanka Maraykanku ay gacan ka gaystan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku wax yeeloobay qaraxii magaalada Muqdisho.

Ilhaan Cumar waxay katirsan tahay xubnaha aqalka wakiilada ee goboka Minnesota, waxa ayna u warantay wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.