Dad kale oo daweyn dibadda loogu qaaday

Diyaaradaha ay Kenya u direen Muqdisho Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Diyaaradaha ay Kenya u direen Muqdisho

Wararka ugu dambeeyey ee gurmadka waxay sheegayaan in weli dad dhaawacyo qaba loo qaadayo daweyn dibadda ah. Laba diyaaradood oo yaryar oo dawladda Kenya ay saaka u dirtay Muqdisho, si ay gargaar caafimaad u gaarsiiyaan ayaa goor dhow magaalada Nairobi geeyey 7 qof oo dhaawacyo qaba.

Dawladda Qadar ayaa iyana 23 qof oo dhaawacyo qaba ku qaadday dayaarad milateri oo Dooxa ka keentay gargaar caafimaad, taasoo bukaanka u qaadday isbitaal ku yaalla magaalada Khartuum ee dalka Sudan si loogu daweeyo.

Maraykanka ayaa isna dayaarad milateri oo dawa sita saaka geeyay Muqdisho.

Image caption Dayaaraddan Qatar laga leeyahay gargaarna wey keentay, dhaawacyana way qaadday
Image caption Maraykanku wuxuu soo diray dayaarad sidday gargaar caafimaad

Hore waxaa u jiray in Turkiga uu 35 qof ugu qaaday magaalada Istanbul si loogu soo daweeyo.

Magaalada Nairobi saaka waxaa ka billowday gargaar ay garwadeen ka tahay Laanqayrta Cas ee Kenya, kaas oo dhiig iyo deeq loogu uruurinayo dadka ku dhaawacmay qaraxii xoogga lahaa ee Sabtidii ka dhacay Muqdisho.

Horraantii todobaadkan ayaa waxaa iyana 30 dhakhtar u soo dirtay Soomaaliya jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddiga gurmadka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho waxay sheegeen inay jiraan baahiyo badan, waxayna dadka weydiisteen in wixii karaankood ah ay ku soo diraan xisaabaadka baananka Amal, Premier Bank iyo xawaaladda mobaylka ee EVC.

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Guddiga gurmadka oo dalbaday gargaar

Xarunta wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdishana waxaa ka socda gurmadka qaran ee loo fidinayo dadka dadkooda raadinaya, diiwaangelinta dadka la la'yahay.

Ka sokow hawlaha guddiga, waxaa kaloo halkaa ka socda qabashada lacagaha deeqaha ah, isku xirka hawlaha samatabixinta iyo nadaafadda iyo qiimaynta dhaawacyada kuwooda ugu daran ee u baahan gargaar caafimaad oo dibadda ah.

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Gabdhahan waxay joogaan Garowe waxayna ka tiiraanyeysan yihiin boqolaalkii qof ee ku dhintay Muqdisho

Magaalooyinka Kismaayo iyo Garowe waxaa laga soo sheegay inay ka dhaceen isu soo baxyo iyo isu imaatinno ay dhallinyaro iyo dadweyne ku cambaareeyeen weerarkii 14kii bishan ka dhacay Muqdisho.

Baadigoobka loogu jiro in dad nool laga soo saaro burburka hoostiisa ayaa iminka u muuqda in rajadiisu ay sii yaraanayso. Dhallinyaro rag iyo dumar isugu jira oo maryo guduudan madaxa ugu xiran yihiin ayaa tan iyo markii qaraxu dhacayku ku hawlanaa hawlaha gurmadka.

Berri Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in uu ka dhaco banaanbax weyn oo looga soo horjeedo qaraxii sabtidii ka dhacay Soobe ee ay ku dhinteen dad ku dhow 300 oo qof.