Maxay tahay sababta aan caalamka looga hadal hayn weerarkii Muqdisho?

Ololaha baraha bulshada Lahaanshaha sawirka UCL BME NETWORK/UNION UCL

Inta badan waxaa dhaco, marka qarax uu dhoco in la sameeyo calaamado la isdhaafsado lagu wadaago fikradaha ee baraha bulshada sida "u ducee.. ama waxaan la safanahay…".

Dadka waxay baahiyaan sawirro ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dhibaatada qarax uu sababo.

Laakiin, ka dib weerarkii ka dhacay Muqdisho ee sababay geerida 281 qof, dadka adeegsada baraha bulshada waxay is weydiinayaan sababta aan taageerada loogu muujin Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la isweydiinayaa maxay tahay sababta aysan u jirin hashtag-yo (#) la mid ah kuwii loo sameeyay Yurub iyo Mareykanka, markii weerarada ay ka dheceen.

Qarixii sabtidii ka dhacay Muqdisho ee loo adeegsaday gaari xamuul ah, waa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya. Maydadka qaar waxay gaareen heer la aqoonsan waayay.

Kuwa la gartay waxaa ka mid ahayd Maryam Cabdullahi oo u diyaargaroobeysay in ay qaadato shahaadada Jaamacadda oo caafimaadka ay ka baratay.

Lahaanshaha sawirka Anfa'a Abdullahi

Aabeheed ayaa u duulay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo xafladda qalinjebinteeda, balse aaskeeda ayuu qeyb ka noqday.

Sheekooyiin argagax leh oo taa la mid ah ayaa laga soo sheegayaa Soomaaliya. Daafaha caalamkana waxaa ka jiro musiibooyiin ay dad ku dhinteen ama dagaallo.

Khaled Beydoun oo sharciga ka barto jaamacadda Detroit, wuxuu cambaareeyay heerka ay gaarsiisan tahay sida warbaahinta ay uga warranto dilalka, ayna farriin boqollaal goor lagu wadaagay baraha bulshada u baahiyaan.

"Waan necbahay in loo ololeeyo musiibada aadanaha ku dhacdo, balse warbaahinta ayaa kugu qasbaysa," sidaa ayuu ku qoray Facebook.

"Ma jiraan hal ku dhigyo sheegaya 'waxaan nahay Muqdisho' mana sawirro lagu baahinayo baraha bulshada oo loogu tacsiyeynayo."

Keligii kuma ah fikraddan. Laga soo billaanbo sabtidii, markii uu qaraxa dhacay illaa aroortii hore ee Isniintii, hashtag-ga #IAmMogadishu waxaa la wadaagay 200 oo goor, balse Talaadadii wuxuu gaaray 13,000 oo tweet.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muujinaya sida warbaahinta aysan uga warrameyn ama u daneynayn dhibaatada ka dhacday Muqdisho.

Dad kala duwan oo ku nool Britain iyo Mareykanka oo Soomaali ah ayaa is abaabulay si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay Qaraxa.

Cabdukadir Cilmi oo ah madaxa Bulshada Soomaalida ee UCL wuxuu sheegay: "Ujeedada ugu wayn ee caawa waa in aan mideyno dhallinyarada Soomaalida ee UK".

Lahaanshaha sawirka AAMIN AMBULANCE/GOFUNDME

"Ka dib danayn la'aanta caalamka, waxaan doonaynaa in aan muujino in ay jiraan dad Soomaaliya garab taagan."

"Markii dalalka reer galbeedka ay naxariis u muujin waayeen Soomaaliya, Soomaalida ayaa adeegsanaya awoodda baraha bulshada si ay kaalmo ugu raadiyaan."

Gurmad252 - Waa taageero, waana bar ay sameeyeen dad Soomaali ah oo ku sugan Muqdisho kuwaas oo doonaya in ay caawiyaan qoysaska dhibanayaasha iyo in ay gacan ka geystaan raadinta dadka la la'yahay.

GoFundMe page - ayaa sidoo kale loo sameeyay in lagu caawiyo dadka doonaya in ay helaan gaari nooca gurmadka degdegga ah. Waxayna aruuriyeen $12,351 dollar.

Dad badan ayaa sidoo kale sameeyay #weareone (mid ayaannahay) iyo #gurmadqaran si loo caawiyo dhibanayaasha.

Laakiin waa arrin aad u dhibbadan in Soomaaliya laga billaabo olole dhanka internet-ka ah, halkaas oo lagu tilmaamo in ay ka mid tahay wadamada mardhow helay internet-ka.