Madaxwaynaha Burtaqiiska oo baaq u diray baarlamanka dalkaasi

burtaqiiska Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxwaynaha dalka Burtaqiiska ayaa ugu baaqay baarlamaanka dalkaasi in ay go'aan ka gaaraan in dowladda ay xilka sii haynayso iyo kale.

Madaxwayne Marcelo Rebelo de Sousa ayaa sheegay in dowladda ay ku guuldaraysatay la tacaalida dabkii khisaaraha badan gaystay oo ka kacay kayn dalkaasi ku taalla.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay wax ka yar afar bilood kuwaasi oo 41 ka mid ah ay dhinteen todobaadkii aanu soo dhaafnay.

Madaxwayne Marcelo Rebelo de Sousa oo ka hadlayay talefishinka qaranka dalkaasi ayaa sheegay in awoodiisa oo dhan uu isugu gayni doono sidii isbadal loogu samayn lahaa waaxda dab damiska ee dalkaasi.

Waxa uu sheegay in tirada ku dhimatay dabkaasi ay waligii culays ku hayn doonto dareenkiisa.

Warbaahinta dalka Burtaqiiska ayaa waxay ku waramaysaa in hawada oo aad u kululeyd ,dhaqaalaha oo liitay iyo nidaamka isgaarsiinta oo ahaa mid liita ay gacan ka gaystay dhibaatada dabka uu gaystay.