Xubin sare oo ka mid ahayd guddiga doorashada Kenya oo iscasishay

Akombe waxay ka mid ahayd xubnaha ugu sareeya guddiga IEBC Lahaanshaha sawirka BBC WORLD SERVICE NEWSDAY PROGRAMME
Image caption Akombe waxay ka mid ahayd xubnaha ugu sareeya guddiga IEBC

Sarkaal sare oo ka tirsanayd guddiga doorashada ee kenya ayaa xilka iska casishay, waxayna sheegtay in doorasho sax ah aysan ka dhici karin Kenya, isbuuca soo socda.

Roselyn Akombe ayaa sheegtay in IEBC ay ku jirto "go'doon" siyaasadeed, "Guddiga ma awoodo in uu gaaro go'aan loo dhan yahay."

Akombe ayaa hadda ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxayna BBC-da u sheegtay in nafteeda ay u baqday ka dib markii dhowr goor loo hanjabay, intii Kenya ay ku sugnayd.

Isbuucii tagay, Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ka baxay tartanka madaxwaynaha ee doorashada ku celiska ah ee la qabanayo 26-ka bishan October.

Maxkamadda ugu sareysa Kenya ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday doorashadii 8-dii August ee la shaaciyay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in qaladaad iyo wax isdabamarin la sameeyay intii lagu guda jiray tirintii codadka.

War qoraal ah oo ay soo saartay Ms Akombe waxay ku sheegtay "in ay ka xuntahay go'aanka ay iskaga casishay xubinta ay ka ahayd IEBC."

"Go'aanka aan uga tagayo guddiga doorashada wuxuu niyad jebinayaa qaar idiinka mid ah, laakin isku day la'aan ma jirin," ayey tiri.

"Wax kastoo aan awooday waan sameeyay ayadoo xaaladda la eegayo. Mararka qaar waad iska tageysaa, gaar ahaan marka xaalado adag la isku qabto. Guddiga wuxuu noqday xisbi marka loo eego xaaladda hadda. Guddiga waa lala wareegay."

"Guddiga haddii la eego marxaladda uu hadda ku sugan yahay, ma xaqiijin karo qabashada doorasho sax ah oo dhacda 26-ka October," ayey hadalkeeda sii raacisay.

Wareysi ay siisay barnaamijka Newsday ee BBC-da waxay u sheegtay: "Doorasho sax ah ma dhici kartaa? xaqiiqdii maya.

"Waxay aad ugu badan tahay in qaladkii ay sameeyeen qaar ka mid ah saraakiisha IEBC ee deegaannada, in ay markale dhici doonaan."

Waxay intaa ku dartay in xubnaha IEBC ay kala qeybsan yihiin, lagamana hadlin kala duwanaantaa iyo saameynteeda.

Xubnaha ugu sareeya guddiga iyo dadkaloo ka mid ah IEBC waxay cagajuglayn kala kulmayaan siyaasiyiin, sida ay sheegtay Ms Akombe.

Waxay shaaca ka qaaday in dhowr jeer loo hanjabay, laguna cadaadiyay in ay iscasisho. "Cabsida aan dareemay markii aan dalkeyga dhexdiisa joogay, weligay ma dareemin," ayey tiri.

Waxay tilmaamtay in aysan "dareemi doonin amni ay ugu noqoto dalkeeda" muqstaqbalka soo socda.

Guddiga doorashada ee kenya ee IEBC wali kamaysan hadlin arrinta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan