Somaliland oo dadka la barayo nadaafadda caanaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo xoola dhaqatada loo tababarayo nadaafadda caanaha

Deegaannada qaar ee miyiga Somaliland waxaa beryahan dambe ka soconayay tababarr dadka xoola dhaqatada ah lagu barayo caafimaadka iyo nadaafadda caanaha, iyadoo in badanba ay jirtay qayladhaan laga muujiyay nadaafad darrada weelka caanaha xoolaha lagaga soo qaado dhulka miyiga.

Arrintan ayaa waxaa ku hawlanaa urur lagu magacaabo daryeelka caanaha xoolaha.

Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige ayaa tababarkaasi iyo dhibaatada nadaafad darrada weelasha caagadaha ee caanaha lagu soo shubo waxa uu ka wareystay Amran Cali Xiis oo ka tirsan ururka Daryeelka Caanaha Xoolaha.