Minnesota oo ka qayb qaadanaysa gurmadka qaraxii Sobbe
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Minnesota oo ka qayb qaadanaysa gurmadka qaraxii Sobbe

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota iyo madaxda gobolka ayaa wada dadaalo la doonayo in wax loogu qabto dadkii ku wax yeeloobay qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho 14kii Oktoobar.

Badhisaabka gobolka ayaa amray in qasriga gobolka lagu shido nalal muujinaya calanka Soomaaliya. Sidoo kale, gabadha ah duqa Minneapolis ayaa amartay in lagu xardho buundada wayn ee ka talaabta wabiga Mississippi iftiin muujinaya calanka Soomaaliya.

Siyaad Cali waxaa laga soo doorta magaalada Minneapolis, wuxuuna ka midyahjay Guddiga Hagta iskuullada Magaalada Minneapolis, wiuxuuna u waramay wariyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen.