Siyaasi Taj Mahal ku tilmaamay “bar madoow oo ku taala Hindiya”!

Taj Mahal Lahaanshaha sawirka DANIEL BEREHULAK/GETTY IMAGES
Image caption Taj Mahal

Nin siyaasi ah oo hadaladiisa inta badan muran dhaliyaan oo u dhashay dalka Hindiya ayaa dhismaha caanka ah ee Taj Mahal ku tilmaamay "bar madoow oo ku taala Hindiya".

Ninkan oo lagu magacaabo Sangeet Som oo ah xildhibaan ku jira aqalka dowlad goboleedka Uttar Pradesh ayaa sidoo kale sheegay in Taj Mahal ay dhiseen dad qiyaamay dalkooda. Waxa uu ku goodiyay in uu taariikhda ma tirtiri doono Taj Mahal.

Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa todobaadyo ka dib markii dhismahan laga waayay diiwaanka dalxiiska gobolkaas.

Taj Mahal waxaa dhisay boqorkii muslimka ahaa ee Shah Jahan, wuxuuna u dhisay xaaskiisa oo uu aad u jeclaa oo ka geeriyootay sanadkii 1643-dii.

Balse qaabka quruxda badan ee loo dhisay ayaa adduunyada oo dhan ka fajiciyay, wuxuuna noqday mid ka mid ah todobbada mucjiso ee adduunka sida ay u aqoonsantahay hay'adda dhaqanka iyo seeyniska ee Qaramada Midoobay ee UNESCO.

Mr. Som ayaa leh taariikh hore oo ku saabsan in uu qalalaase ka dhexdhaliyay muslimiinta iyo dadka Hinduuga ah , rabshadahaas oo ay ku dhinteen 62 qof.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa dhaleeceeyay Som, kuna tilmaamay nin aanan si wanaagsan u fikiraynin.