Wabiga adduunka ugu dheer oo soo cimri gaabanaya

Wabiga adduunka ugu dheer ee Niilka ayaa aad usii biyo yaraynaya
Image caption Wabiga adduunka ugu dheer ee Niilka ayaa aad usii biyo yaraynaya

Biyaha sii gabaabsanaya ee wabiga Niilka-ka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu xasarad ka dhexdhalin karo dalalka gobolka ee biyaha wabiga wadaagga.

Dhibka waxa uu ka bilaabanayaa halka wabiga uu kasoo qulqulo, tusaale ahaan wabiga Niilka-ka waxa uu boqolkiiba 80% kasoo qulqulaa dalka Itoobiya. Qeybta wabiga Niilka ee kasoo burqata Itoobiya waxaa loo yaqaanaa Niilka Buluugga ah.

Halka Niilka Cad uu kasoo qulqulo harada weyn ee Victoria , waxayna labada wabi isaga darsamaan dalka Suudaan.

Wabiga waxa uu ka dhashaa roobabka ka da'a deegaanada uu kasoo qulqulo, balse dhawaanahan roobabkii aad ayay u yaraadeen, sidaasi darteedna wabigii waa uu biyo yareeyay.

Mararka ay roobabka aadka u da'aan waxaa la socda dabeylo iyo duufaano, kuwaasi oo dhulka Itoobiya ka dhaqa maadada bacriminta ciidda, taas oo waxyeelo weyn ay kala kulmaan beeralayda Itoobiya.

Waraabka iyo Beeraha

Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Qashinka badan ee lagu shubayo wabiga ayaa hoos u dhigay tayada biyaha

Kororka dadka oo sii kordhinaya ayaa ka qeybqaadanaya xaalufinta dhulka, iyaga oo maalin kasta jara dhirta si ay u deegaamaystaan.

Daadadka waaweyn ee soo rogmada ayaa iyaguna xaalufka dhulka kasii qeybqaadanaya.

Dadkii horay ugu tiirsanaan jiray roobabka ayaa hadda u wareegay in ay beerahooda ka waraabiyaan biyaha wabiga Niilka, taas oo saamayn ku yeelatay xadka biyaha wabiyaga Niilka.

Dadka qaarkood oo degen tuulooyinka ayaa gabi ahaanba iska dhaafay tabcashadaha beeraha, waxayna u guureen magaalooyinka sida magaalada Bahar Dar oo kale.

Qaarkood kale waxa aadayaan tahriib dalalka Yurub si ay halkaas nolol uga sameeyaan.

Dadkaas waxaa ka mid ah wiilka lagu magacaabo Getish Adamu oo 17 jir ah, wuxuu yaambo u heystaa beertiisa, isaga oo rajaynaya waxa kasoo baxa in uu sii iibiyo, kadibna ku tahriibo.

Markasta oo hoos loosii raaco wabiga, waa markasta oo dhibaatada iyo biyo yaraanta ay kasii badantahay.

Masar iyo Itoobiya

Image caption Kalluun aad uga yar ayay soo jalaabtaan dadka wabiga ka kalluumaysta

Waxaa xaaladda uga sii daray biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka dhisayso meel aan ka fogeyn xudduuda ay la wadaagto Suudaan, halkaas oo ay dowladda ka barokicisay kumanaan qof si dhulka looga kireeyo shirkado waaweyn oo beero ka samaysanaya.

Dadka waa kuwa cabsi qaba, si fiican kuuguma waramayaan.

Marka wabiga uu gaaro Masar halkaas oo roobabka aad ugu yaryihiin, islamarkaasina ku tiirsan biyaha wabiga boqolkiiba 95% ayaa waxaa xaalad walwal leh laga muujinayaa biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

Heshiis Masar iyo Sudan ay kala saxiixdeen sanadkii 1959-kii heshiis ay ku qeybsanayaan biyaha wabiga, waxana heshiiska uu Masar siinayaa biyaha intooda badan.

Heshiiskaas qeyb ka aysan ahayn Itoobiya iyo inta badan dalalka kale ee wabiga uu kasoo qulqulo kuwaas oo xiligaas ku jiray gumeysi. Dhammaan dalalkan waa ay kasoo horjeedsadeen sharcinimada heshiiskaas.

Xukuumadda Qaahiro ayaa marar badan ku hanjabtay in ay dagaal ka xigto haddii biyaha wabiga la leexsado.

Ciidammada Itoobiya ayaa heegan ugu jira haddii lasoo weeraro, waxayna xitaa leeyihiin ciidamo badda ah kuwaas oo ku sugan harada weyn ee Tana , waxayna kuu sheegayaan in ay ogsoonyihiin in ay joogaan furun dagaal.

Tayada biyaha wabiga

Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Qashinka badan ee lagu shubayo wabiga ayaa hoos u dhigay tayada biyaha

Marka la'isku daro dadka degan dalalka uu maro wabigan waxa ay wadartu gaaraysaa illaa 500 milyan qof marka la gaaro sanadka 2050-ka, waxaana ugu wacan kororka dadka, waxayna taas mustaqbalka ka dhigaysaa mid mugdi ah.

Magaalada Khartuum oo kale, bulaacadaha wasaqda ee ku darsama wabiga ayaa aad u haleeyay tayada biyaha, waana dhib sidoo kale ka jira magaalooyinka waaweyn ee dhaca hareeraha biyaha.

Nidaamka qashin uruurinta iyo dhimasha dhuumaha wasaqda qaada oo aad u yar awgeed, dad badan ayaa qashinkooda ku quba wabiga, waxaana xitaa ka mid ah warshadaha oo haraadiga kiimikada ah ah ku shuba wabiga.

Bacaadka galaya wabiga

Marka laga yimaado biyo yaraanta, iyo wasaqda lagu shubayo, waxa kale oo xaaladda wabiga uga sii daraya ayaa ah bacaadka saxaraha oo halis ugu jira in uu duugo wabiga.

Dadka beeralayda ee ku nool dhulkan saxaraha ee Masar waxa ay la qabsadeen xaalad kasta oo soo foodsaarta, waxayna xal u heli jireen dhibaato kasta.

Dhibaatooyinka soo foodsaaray waxaa ka mid ah heer kulka daran ee deegaankaas iyo waliba korontada oo ka tagta biyo xireenada ay waraabka wabiga ka helaan.

Balse hadda bacaadka soo durqaya ee saxaraha ayaa aad usoo koobay dhulkii beerashada ku habboonaa. 150 mitir oo kaliya oo wabiga hareerihiisa ah ayaa ku habboon in la beerto, waana xad aad halis u ah kan uu bacaadka ku socdo.

Bacaadka wuxuu soo durqay 120 km 30kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa kale oo dhibka sii kordhinaya ayaa ah heerkulka oo xad aan la qiyaasi karin ku socda.

Waxaa ugu wacan ayaa la leeyahay isbadalka cimiladda adduunka.

Waqooyiga dalka Suudaan dhibka waa mid ka duwan kaas, dhalinyaradii beeraha fali jirtay ayaa waxa ay u yaacday dhanka godadka macdanta laga qodo.

Sidaasi darteed beeralayda waxa ay hadda kireystaan muhaajiriinta ka imanaysa Itoobiya, Eritrea iyo waliba gobolka Dafur, kuwaas oo marin ka dhigta waqooyiga Suudaan.

Marka uu wabiga gaaro magaalada Qaahira ayay xaaladda ugu sii darantahay.

Goonyaha wabiga waxaa buux dhaafiyay qashinka, biyuhuna waa kuwa aad gabaabsi u ah, waxaana aad usii yar biyaha ku qulqula ilaha biyaha ee beeraha lagu waraabiyo.

Walwal xooggan ayaa ka muuqda wajiyada saraakiisha wasaaraddadaha ku teedsan wabiga kuwaas daaqadaha kasoo eegaya qulqulka biyaha wabiga, indhahooda hortooda ayayna wax kasta ka dhacayaan "Niilka wax kasta ayuu noo yahay anaga, waa waxa aan cabno, islamarkaasna cunno, waa masiibo weyn haddii ay wax ku dhacaan biyahan" ayuu yiri Cali Naqiifi oo ka tirsan wasaaradda waraabka iyo maareynta biyaha Masar.

Horay Masar iyo Itoobiya waxa ay isu dhaafsadeen haddalo kulkulul oo la xiriira dhismaha biyo xireenka weyn ee Itoobiya, kaas oo ay Masar ka baqayso in uu aad u yareeyo biyaha ay hesho.

Qaxootiga Oromada ee ku nool Masar ayaa sheegay in aad loo dhibaateeyo markasta oo ay soo baxaan warar ku saabsan xaaladda dhismaha biyo xireenka itoobiya, sidaas si la mid ah kaniisadaha Itoobiya oo xiriir fog la lahaa kuwa Masaarida ayaa xiriirka u jaray, waxayna Itoobiya ka ceeyriyeen baadariyo kaniisadahooda ka hawlgali jiray oo Masaari ah.

Sidaasi darteed xaaladda labada dal waa mid ka taloowsan diin iyo aragti siyaasadeed, balse waa mid ku qotanta nolosha labada shucuub.

Itoobiya waxa ay u aragtaa in biyo xireenka uu yahay horumarkii ugu weynaa ebed ee dalkaas soo mara, xitaa caruuraha ayaa ku heesa.

Dadka ka kalluumaysta wabiga ayaa xitaa ay dhibaatada soo gaartay, kalluunkii ayaa aad u yaraaday, waxayna hadda soo qabsadaan wax aad uga yar wixii ay horay usoo jalaaban jireen.

"Markii hore wabiga waan caabudi jirnay, balse hadda ma doonayno wax isaga ku saabsan, waxaanan rabnaa in aan ka fogaano in kasta oo suurtogal ah" ayuu yiri Khamees Khala oo ka mid ah kalluumaysata wabiga Niilka.

Hadda doomihii lagu kalluumaysanayay qaarkood waxaa loo rogay in ay safriyaan dadka tahriibayaasha ah ee Yurub u socda.

Si kastaba ha ahaatee wabiga Niil-ka oo ah wabiga ugu dheer adduunka ayaa hadda loo yaabanyahay mustaqbalkiisa, balse lama oga waxa uu galaafan doono marka cimrigiisa uu soo dhammaado.