Maxay Nayjeeriya u gabtay macallimiinta iyo Ardayda?

Arday fasal ku jirta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Arday fasal ku jirta

Taxanaheenna warqadaha ay soo diraan saxafiyiinta Afrikaanka, ayaa tifaftiraha wargayska maalinlaha ah ee ka soo baxa Nayjeeriya ee Daily Trust, Mannir Dan Cali, wuxuu ka baaraan dagayaa sababta dalka Afrika ugu dadka badan uu halganka ugu jiro inuu wax baro carruurtiisa.

Nasir El-Rufai, barasaabka gobolka Kaduna ee Nayjeeriya, wuxuu jecel yahay in uu ka muuqdo wargaysyada.

Isagoo qaabilayey wafdi ka socday bankiga adduunka oo dhawaan booqasho ugu yimid ayuu shaaca ka qaaday in imtixaanka laga qaado macallimiinta dugsiyada hoose uu ka soo baxay natiijo aad loola yaabay.

Waxaa loo dhiibay su'aalo loogu tala galay carruurta dhigata fasalka 4aad ee iskuulka ee 10 jirka ah.

Macallimiinta waxaa la filayey inay keenaan ugu yaraan 75% sida uu barasaabku sheegay.

"Laakinse waxaan ka xumahay in aan ku dhawaaqo in 66% macallimiinta aysan heerkaas gaarin" ayuu yiri.

Wuxuu eedda saaray macallimiin aan shaqada istaahilin oo la shaqaalaysiiyo, wuxuuna ballan qaaday in arrintaas uu soo afjarayo.

Laakin xoghayaha ururka macallimiinta ee gobolkaas Adamu Ango ayaa ka hor yimid hadalka barasaabka, isagoo sheegay inuu yahay borobagaando raqiis ah.

Wuxuu ku tirtirsiiyey inuu warqadihii imtixaanka u soo bandhigo dadweynaha, ka dibna la barbardhigo natiijada imtixaanaadka macallimiinta laga qaado ee dunida.

Sidoo kale macallimiinta gobolka ayaan ku faraxsanayn, ka dib markii 3aad oo imtixaankan laga qaaday.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Arday dhulka fadhida

Arrin kale oo muran uu ka taagan yahay ayaa ah tirada ardayda fasallada dhigata.

Ninka warbixintan qoray wuxuu leeyahay "macallimad ayaa beri qof saaxibkay ah ku martiqaadday iskuul hoose oo ay wax ka dhigto, halkaasoo fasalkiiba ay dhigtaan 90 -120 arday".

"Xataa macallinka ugu fiican wuxuu dhibaato kala kulmayaa sidii maskaxda ardayda ay hal mar ugu soo wada jeesan lahaayeen xagiisa, kuwaasoo badidood dhulka fariista, wayna wada cayaarayaan oo is qanjaruufanayaan, arrimahaas oo dhanna waxay wax baridoodda ka dhigaysaa mid aad u adag" ayuu sii raaciyey.

Siyaasiyiintu waxay doorbidaan qandaraasyada lagu dhiso fasallada iskuullada, halkii ay danayn lahaayeen in la qalabeeyo, ama la tababaro oo la dhiirri galiyo macallimiinta si ay hawshooda u qabsadaan.

Xarumaha Mucjisada

Iskuullada badankood waxa kaliya oo ay danaynayaan waa inay soo saaraan arday haysata darajadii loo baahnaa xagga shahaadooyinka, balse aan ficil ahaan u difaacan akarin.

Waxay arrintaas horseedday inay bataan xarumo loogu yeero "xarumaha mucjisada" - waa iskuullo ama xarumo imtixaanaad, halkaasoo qof walba loo ballan qaadayo darajo wanaagsan oo beec ah.

Mid ka mid ah macallimiinta iskuullada dawladda ayaa sheegay inuu la kulmay arday waxbarashada 12ka sano ah dhamaystay, laakinse aan xataa ka qoran karin jawaabta haddii sabuuradda loogu qoro.

Talaabadan ayaa ah mid sharraxaysa sababta loogu baahan yahay in imtixaanaad kale loo galo jaamacadaha, kuleejooyinka, iyo machadyada sare,kuwaasoo ku adkaysanaya inay qaadayaan imtixaanaad iyaga u gaar ah.

Xagga shaqo qoridda ayaa iyadana noqonaysa dhibaato kale in la qoro dad soo qalin jabiyey oo haddana aan qori karin shan jumladood oo sax ah.

Ayadoo xaaladda tacliinta ee iskuullada dawladda ay sidaas tahay ayey dad badan door bidayaan inay carruurtooda gaystaan iskuullada gaarka loo leeyahay. Halkaa waxaa ka soo baxaya farqi la xiriira iskuullada ay ardaydu wax ku soo bartaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mudaaharaadyada ayaa dheereynaya muddadii jaamacadaha lagu dhamayn lahaa

Ardayda Yaacaysa

Dhinaca kale, tirada jaamacadaha dalka ayaa aad u batay. Markii uu dalku xornimada qaadanayey waxay ahaayeen 2 jaamacadood oo kaliya, iminkase waxay marayaan 155 jaamacadood.

Laakinse mudaaharaadayada soo noqnoqda ayaa micnahoodu yahay in ardaydu aysan hubin goorta ay dhamaynayaan, walow warqadahooda ay ku yaallaan xilliyo cayiman.

Arrintaas waxay keentay in arday badan ay u yaacaan dibadaha. Kuwa aan awoodin inay waxbarasho u doontaan Yurub ama Maraykanka waxay aadaan dalalka u dhow sida Benin, Ghana, Uganda iyo dalal kale oo Afrikaan ah.

Xaqiiqdii, qaar ka mid ah jaamacadaha dalalkaas ku yaalla waxaaba furtay Nayjeeriyaan doonaya inay lacag sameeyaan.