Ayatollah Cali Khamenei oo weerar afka ah ku qaaday madaxwayne Trump

Ayatollah Cali Khamenei

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Ayatollah Cali Khamenei

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa difaacay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la gashay quwadaha waawayn.

Ayatollah Cali Khamenei ayaa isticmaalay luuqad adag isaga oo Trump ku tilmaamay nin careysan oo beenaale ah.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran ayaa soo dhaweeyay taageerada midowga Yurub ay u muujiyeen heshiiska Iiraan lala galay

Mr Trump ayaa diiday in uu saxiixo heshiiska Iiraan ay la galeen wadamada quwadaha waawayn.

Madaxwayne Trump ayaa ku hanjabay in uu gabi ahaanba meesha ka saari doono heshiiska Iiraan lala galay xiligii uu xukunka hayay madaxwayne Obama.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ku baaqay in isbadal lagu sameeyo heshiiska si looga hortago in iiraan ay samaysato hubka Niyukleerka.

Wadamada kale ee qaybta ka ahaa heshiiska Niyukleerka Iiraan ayaa dhankooda waxa ay muujiyeen in wali heshiiska ay sii wadi doonaan.